Puntland oo Qarax Ismiidaamin ah ku eedeysay Al-shabaab"Warbixin Kooban
Boosaaso(GNA)-Ugu yaraan Sagaal qof baa ku dhintay in ka badan 37 kalena waxa ka soo gaadhay Dhaawacyo kala duwan, qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso.
Qaraxan ayaa lagu weeraray Gaadhi ay saaran yihiin Ciidamada amaanka Puntland, kaasoo lagu dhuftay Gaadhi kale oo walxa qarxa laga soo buuxiyay.
Wasiirka Caafimaadka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gurmad xoogan ka samaynayaan dhibaatada dhacday.
Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay BBC-da qeybteeda Afka-Soomaliga ayaa sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen 7 qof oo sadex ka mid ah ay ahaayeen ciidan,afarta kalena ay yihiin dad shacab iyadoo ay ku dhaawac meen 37 qof oo isugu jira shacab iyo ciidanba
“Waxaa qaraxa fuliyay nin naftii hura ah oo watay gaari nooca Noohada ah, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo uu ku jiray ninkii fuliyay qaraxa” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka ayaa ku eedeeyey qarax Ururka Al-Shabaab, waxaanu ku dooday shacabka reer Puntland oo kaashana ciidanka in ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan weeraradda argagixisanimada ah ee ay qorsheenayaan Al-Shabaab in ay ka fuliyaan deegaanada Puntland waa sida uu yiri in kastoo Al-Shabaab aysan ka hadlin qaraxa.
Dhamaadkii bishii la soo dhaafey ayaa Koox dowladda Puntland ku tilmaantey Fallaago “Rebel” waxay weerar ku qaadeen Xabsiga Bosaso, waxaana ay dileen taliye kuxigeenkii Xabsiga iyo qaar kamid ah askerta iyaga oo dhaawacyo gesytey isla markaana bur-bur gaarsiiyey Xabsiga.
Sidoo kale sanadkii la soo dhaafay iyo xiliyo ka mid ah sanadkan ayaa Puntland dagaalo qadhaadh kula gashay deegaamada Buuralayda Gal-gala Falaago ka tirsan Ururka Alshabaab oo ah faraca uu hogaamiye Maxamed siciid Atam.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca alshabaab, balse dagaalka u dhexeeya labada dhan ayaa soo taxnaa saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay.
Qaraxan maanta ayaa ku soo aadaya xili maalmo kooban inaga xigaan ansixinta Baarlamanka Puntland, laguna jiro Olole Doorasho.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa aad u dhaleeceeyay una diray tacsi dhamaan muwaadiniintii ku geeriyootay qaraxii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaaladda Boossaaso ee Puntland.
“ Argagixisada waxaa looga guuleystay dagaalkii ay kula jireen umadda Soomaaliyeed, hadana waxeey bilaabeen in ay shacabka Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan in ay laayaan.Insha Allah waan ka guuleysan doonaa. Waxaan eebe uga baryayaa in shacabkii maanta ku geeriyooday qaraxii foosha xumaa uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo, Aamiin, Aamiin,Aamiin.
"Waxaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinyaa in hal meel ay uga soo wada jeestaan ciribtirida cadawga Soomaaliya."Saa waxaa yiri Madaxweynah J.F. Soomaaliya
Gobanimonews
Boosaaso Office
Email: editor@gobanimonews.com