Maxaa sababay in Agaasime Waaxeedka Farsamada ee Wasaaradda Warfaafintu ka dhex muuqdo Xasarad kasta oo timaada?
Hargeysa(GNA) Buuq iyo Khilaaf hore leh ayaa mar kale ka qarxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Somaliland Md. Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa Shaqo ka joojin ku sameeyay Mareeyaha Telefeshinka Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas, waxaanu Wasiirku Qoraalka Shaqo ka joojinta ku Amray Ciidanka Ilaalada Xarunta Wasarada Warfaafnita in aanu soo gali karin maareeyuhu.
Arrintan ayaa ka Danbeysay ka dib markii uu khilaaf xoogani uu ka dhex dilaacay Wasiirka iyo Mareeyaha kuwaasi oo isku qabtay Guddi loo saaray in ay dib u eegis ku sameeyaan lacagta mushahar ahaan ay u qaatan Shaqalaha Telefeshinka Qaranka oo la sheegay in lacagtoodu aad u kala badan tahay,
Wasiirka ayaa la sheegay in sababta guddidaasi khilaafka ka dhashay u magacaabay ay ahayd ka dib markii shaqalaha qaar ka mid ahi sheegeen in mushaharka ay qaatan uu yar yahay, waxanu wasiirku sheegey in aanay caqli gal ahay in shaqaalah qofna qaato 1,000 Dollar Midina uu qaato 150 Dollar.
Dhanka kale Wararku waxay intaasi ku darayaan isla saaka Mareeyaha oo doodnayey in uu xafiiskiisa taago ay ciidanka boolisku u diideen in uu kadinka wasaarad ka galo iyaga oo u sheegay in ay qabaan Amar Wasiir.
Mareeyaha Telefeshinka ayaa isla saaka Lagu arkayey isaga oo ku sugan Gobolka oo ah meesha ay wasaraada ugu badan ee dalku yaalan, waxaanu wakhtigaasi ku sugnaa wasarada Waxbarahada.
Khilaafka soo kala dhex galay Wasiirka iyo Mareeyaha ayaan la saadaalin Karin meesha uu ku dambeyn doono.
Maareeye Gaas ayaa lagu magacaabay Digreeto Madaxweyne, waxaase beryihii u dambeeyay soo ifayay qorshe wasiirka Warfaafintu meesha kaga saarayo Madaxbanaanida telefishanka Dawladda.
Telefishanka qaranka ayaa ka mid ah Hay’adaha ugu Miisaaniyada badan ee dawladda, taasoo wasiirrada wasaaradda warfaafintu ay inta badan isku dayaan inay Wasaaraddu gacan ka hesho.
Khilaafka Wasaaradda Warfaafinta ayaa ah mid soo noqnoqda inta badan, waxaana tiroba soo maray wasaaraddaasi intii xukuumadda siilaanyo jirtay shan wasiir oo cukuse ugu dambeeyay.
Khilaafkii ugu foosha xumaa ayaa ka dhex qarxay sanadkii hore Boobe Yuusuf Ducaaleoo dhinac ah iyo Agaasimihii Telefshanka ee xiligaasi Axmed Saleban Dhuxul oo uu weheliyo Guddoomiyeha Wargeyska Dawan Maxamed Cismaan Mirre (Sayid).
Dhuxul iyo Sayid ayaa wakhtigaasi la kacay Boobe oo Shaqo ka joojin ku sameeyay, waxaanay arrintoodiu sababtay inuu xilkiisa waayo Boobe Yuusuf Ducaale.
Doodda iminka taagan ayaa ah Maareeye Khadar Cali Gaas ma loo sadqeyn doonaa Wasiir Cukuse mise xal kalaa iman doona.
Khilaafka labada Masuul ayaa ku soo aadaya xili wasaaradda uu ka taaganyahay Buuq iyo Guux hoose oo la xidhiidha shaqaale dhimis iyo qorshe la doonayo in lagu tayeeyo shaqada wasaaradda.
“Guddibaa loo saaray inay kala nidaamiyaan Shaaqaalaha Wasaaradda oo ay ku jiraan qaar aan shaqayn oo hadana ka mushahar badan kuwo 24-ka saacadood shaqeeya”sidaasi waxa yidhi Wasiirka Warfaafinta oo Maanta ka hadlayay Xaflad uu qalab kula wareegayay qalab cusub oo Telefishanka qaranka in lagu tayeeyo la doonayo.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata inaanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wali xal u helin muranka iyo isqabqabsiga soo noqnoqda ee wasaarada Warfaafinta, kaasoo cago jiid iyo caqabad ku noqday hawl-gudashada wasaaradda Warfaafinta.
Waxaana xusid mudan inay Wasaaradda dhex jiifto Mushkilad haysata mid ka mid ah Xafiisyada Wasaaradda oo awood ahaan aan ilaa hada la ogayn sababta wax looga qaban waayay.
Xafiiska Waaxda Farsamada ee Wasaaradda oo uu haysto Agaasime Waaxeedka qaybta Farsamada Axmed Saleban Weyne ayaa la aaminsanyahay inuu ka mid yahay meelaha laga soo abaabulo xasaradaha wasaaradda ka dhex kaca.
Sarkaalkaasi ayaa tan iyo markii wasaaradda la keenay xaalad kasta oo wasaaradda ka jirta faraha kula jira, isla markaana hore loogu eedeeyay inuu ka mid ahaa dadkii isku dhuftay Wasiir Boobe iyo labada masuul ee hore khilaafkoodu saameynta ugu yeeshay wasaaradda.
Hada ayuu sidoo kale ka dhex muuqdaa arrimaha Khilaafkani salka ku hayo, waxaanu mar kasta ku hawlanyahay arrimo ka baxsan shaqadiisa.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com