Monday, December 2, 2013

700,000 oo Nin ayaa la Gudayaa Dalka Rwanda


Dalka Rwanda ayaa laga bilaabayaa toddobadakan barnaamij lagu doonayo in lagu gudo rag gaaraya 700,000 si loo yareeyo faafida cudurka HIV.




 




Xukuumada Rwanda ayaa ka dhigtay gudida ragga qorshaha ugu muhiimsan ee ay ugaga hortagayso cudurkan iyadoo dad tiradoodu ay gaareyso 210,000 ay la nool yihiin cudurkan.




Talaabadan ayaa lagu soo beegay xuska Maalinta Aids-ka adduunka oo ku beegan 1-da December.




Qorshahan ayaa ah mid loo isticmaalayo qalab loogu magac daray PrePex kaasoo aan wax dhiig ah ka keeneynin qofka isla markaana uu howshiisa caadiga iska wadan karo.




Wasiirka caafimaadka ee dalka Rwanda Agnes Binagwaho ayaa ku tilmaamay dalkiisu inuu yahay wadankii ugu horeeyay ee caalamka ka bilaaba barnaamij noocan oo kale ah kaasoo ujeedadiisu tahay in lagu xakameeyo cudurka HIV.




 




Barnaamijkan oo ay taageertay hay’ada WHO ayaa waxaa uu qorshihiisu yahay in lagu gudo ama buuryada loogaga jaro rag gaaraya 700,000 da’adooduna ay u dhexeyso 15-49sano dhamaandka 2016.




 




"Cilmi baarisyo la sameeyay ayaa waxaa ay cadeeyeen in gudniinka uu yareeyo halista lagu qaadi karo cudurka HIV/AIDS illaa iyo boqolkiiba lixdan,"ayuu yiri wasiirka caafimaadka dalka Rwanda.




 




Hase ahaatee dadka qaangaarka ah ee uu cudurka HIV ku dhacay dalka Rwanda ayaa ah 2. 9 boqolkiiba iyadoo aad ugaga hooseysa dalal badan oo ku yaal qaarada Afrika.




Qalabkan lagu gudayo ragga ayaa sidoo kale waxaa uu ka dhaqan galay oo laga isticmaalaa wadamo ay ka mid yihiin Botswana, Kenya, Mozambique, South Africa, Uganda, Zambia iyo Zimbabwe.