Madaxweynaha maanta hogaamiya dalkan Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed-siiraanyo waxa uu jebiyay dastuurka dalka u yaala qodobkiisa 1baad,firqadiisa 1aad iyo 2aad sida hoos ku cad:
QODOBKA 1AAD
QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
1. Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii July l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go'aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadusa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.
2. Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.
Horta sida ku cad firqada 1aad dalkani waa dal madaxbanaan oo ku yimi go’aan shacab.Waxaana qaranimada dalkan awood u leh shacabka oo qudha.Waxa dhacday todobaadkii inna dhaafay inuu Madaxweyne Axmed-siiraanyo qalinka ku duugay inay safaarada turkiga ee Somaliya u fadhida qaybteeda qunsuliyada u soo rarto oo laga furo Hargeysa.Ogolaanshaha ama heshiiskaasi waxa uu meesha ka saarayaa gooni-isu-taagii Jamhuuriyada Somaliland.Waxa halkaa ka muuqata inuu madaxweyne Axmed-siiraanyo xoog kula wareegay awoodii go’aanka ee qaranimada iyo jiritaanka Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.
Aan cadeeyo sababta,sida aduunka u caadada ah safiirku waxa uu ka socdaa ama metalaa dalka uu ka soo jeedo,waxaanu masuul ka yahay kobcinta xidhiidhka u dhaxeeya dalka uu ka socdo iyo ka loo diray.Waxa kale oo safiirku maamul ahaan ka masuul yahay qaybaha ay ka koobantahay safaarada uu madaxa ka yahay,sida qunsuliyada,sirdoonka safaarada,nabadgelyada safaarada, maamulka safaarada iyo danaha dalka ay ka socoto safaaradu.Markaa hadiiba uu Madaxweyne Axmed-siiraanyo ogolaaday qayb ka mid ah safaarada Turkiga u fadhida Somaliya oo ah qunsuliyada waxuu ogolaaday inaynu ka mid nahay oo aynu dib uga noqonay madaxbanaanidii shacabkani dhiigga u shubay,waxa uu dhabarka ka jebiyay gooni-isu-taagii shacabku go’aansaday,waxa uu god-madaw ku riday dastuurkii ku yimi aftida shacabka.Ka sii darane waxaaba shacabka lagu wacyi geliyaa ayaamahan inay qunsuliyadaa ka tirsan safaarada Turkiga ee Xamar u fadhida dalkeedu faaido badani dalkeena ugu jirto!
Maanta qunsuliyad wadamada aduunku ka furtaan dalkeena waynu u baahanahay balse kuwa faaidada inoo lehi waa kuwa hoos taga safaaradaha wadamada aduunka ee fadhigoodu yahay tusaale,Kenya,jabuuti iyo itoobiya ama qunsuliyado toos u hoos taga wasaaradaha arrimaha dibada ee dalalkooda toosna loogu soo diro dalkan Jamhuuriyada Somaliland.
Waxa aan ku soo afjarayaa waa ayaan darro hadii aad aqbashaan shacabyahaw hurdaa gooni-isu-taagii iyo madaxbanaanidii aad ku naaloonayseen 22sanno ee aad dhiigga u shubteen inaad dib uga noqotaan,kana mid noqotaan Somaliya sida dhowaan uu madaxweyne Axmed-siiraanyo qalinka ugu duugay.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL