C.raxmaan Cirro, Baashe, iyo Dr Cali Yusuf oo 8 Sano ka dib Siyaasadda ku Coloobay iyo Maxkamadda sare oo u kala turjumaysa
Hargeysa(GNA)-Khilaaf muran sharci salka ku haya ayaa u dhexeeya shir-guddoonka Golaha wakiillada somaliland iyo dhinacyo xukuumaddu qayb ka tahay.
Khilaafka ayaa ah mid sharci ku salaysan, balse aad moodo inay Kooxaha ku hirdamayaa u daliishanayaan qolo waliba siday doonayso ama qaab ay ugu gorgortami karaan rabitaankoodda gaarka ah.
Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee somaliland ayaa soo saartay qaraar ka dhan ah isku shaadheyn lagu sameeyay Guddi-hoosaadyada Golaha wakiillada oo ah arrintan muranka dhalisay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa xaqiijiyay inuu qoray warqad uu ku hakinayo go’aanka Goluhu ku ansixiyay xubnaha laysku bedelay.
“way jirtaa warqad aan qoray oo aan u gudbiyay Shir-guddoonka Golaha wakiiladda, waxaanan ka sugayaa Jawaab”ayuu yidhi.
Talabadan ayaa ka dambeysay, dacwad shalay labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha wakiilladu Maxkamadda u gudbiyeen, kaasoo ay kaga soo horjeedaan guddiyada muranku dhashay.
Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka ayaa awood u leh tafsiir ka bixinta iyo ka garnaqista murannada sharci ee dastuurka ku saabsan.
Hase ahaatee hogaamiyeyaasha Asxaabta Mucaaridka ah oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha wakiillada, ayaa faro gelinta Maxkamadda sare ku samaysay khilaafka Golaha wakiillada ku tilmaamay fowdo abuuris iyo khatar siyaasaddeed oo dalka aan u wanaagsanayn.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa qoraalka Maxkamadda iyo dacwada labadiisa ku-xigeen ku tilmaamay mid ka hor imanaya go’aan golle oo cod lagu ansixiyay, waxaanu Hay’addaha Garsoorka uga digay inay arrintan soo faro geliyaan.
“waxaan ka helnay Maxkamadda Sare qoraal lagu hakinayo ansixinta guddi hoosaadyada Golaha oo uu soo qoray Guddoomiyaha Maxkamadda sare, warqadaasi waxay daba socotaa dacwad ay geeyeen labada Guddoomiye ku-xigeen oo ka soo horjeeday go’aanka Golaha”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “markaan waxaan uga digayaa Maxkamadda sare iyo xukuumaddu inay soo faro geliyaan shaqada waaxda xeer dejinta dalka”ayuu yidhi.
Cirro ayaa sidoo kale isla arrinta shalay mar uu ka hadlay sheegay “ ma jirto maxkamad burin karta go’aan Golle”.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka digay maxsuulka ka dhalan doona khilaafkan ka dhex aloosan shir-guddoonka wakiillada.
Faysal Cali Waraabe ayaa farta ku fiiqay in khilaafkan ay xukuumaddu abuurtay, waxaanu u soo jeediyay inay faraha kala baxdo arrimaha Hay’adaha Dastuuriga ah.
Guddoomiyaha Ucid ayaa sidoo kale iftiimiyay in Guddoomiyaha Golaha wakillada lagu eryanayo mucaaridnimada uu lugta kula jiro.
“dalku sidan ku socon maayo, hadii meel walba gacanta la geliyo oo xaalad lagu abuuro, markaa waxaan leeyahay waar sidan halaga daayo dalka, waxaynu halkan ku soo gaadhnay isu tanaasul iyo wada tashiye yaan meel walba khilaaf laga abuurin”.
Yooyootanka cirka isku sii shareeraya ayaa ka soo bilaamay dhawr todobaad ka hor markii Guddoomiyaha Golaha wakiilladu sameeyay isku shaandheyntan, taasoo maalmo ka dib markii uu cirro sameeyay isagoo dalka ka maqan ay ku gacan saydheen ku-xigeenaddiisu.
Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf ayaa laalay isku shaandheyntaasi, balse waxba iskamay bedelin go’aankii lagu magacaabay ee Cirro, iyadoo dhanka kalena ay fashilmeen wada hadalo saddexda xubnood ka yeesheen arrintan todobaadyadii u dambeeyay.
Ma cadda ilaa hada meesha uu khilaafkani isugu biyo shuban doono iyo cidda khaladka yeelan doonta marka ay Maxkadda Sare ka gar naqdo.
Hase ahaatee doodda ku saabsan mawduucan ayaa tan iyo shalay bulshada si weyn uga dhex guuxaysay, isla markaana lagu hadal hayaa inta badan meelaha bulshadu ku kulanto.
Dadka ayaa iyaga laftoodu ku muransan awooddaha iska soo horjeeda ee khilaafkan ka muuqda, sida Xukuumadda, Garsoorka iyo Guddoonka wakiillada.
Dadka qaar ayaa ku dooddaya inaanay maxkamadda sare xaq u lahayn inay soo faro geliso arrinta Golaha wakiillada, halka kuwo kalena aragti ahaan qabaan inay xaq u leedahay.
Hadal haynta Bulshada ku foogan siyaasadda ayaa laga dhadhansanayaan in muranka uu ku dhex jiro damac siyaasaddeed oo maalmo ka hor iftiimayay, kaasoo ah in Xukuumadda iyo Xisbiga waddani ku loolanayaan Kursiga guddoomiyaha Golaha wakiillada oo damac kaga jiro dhinaca madaxtooyada.
Balse, inkasta oo qorshahaasi u muuqdo mid ay xukuumaddu dib uga laabatay markii ay kala kulantay mawjado siyaasadeed oo dhinac kale kaga yimi, hadana wali guuxa ku saabsan arintaasi waa mid taagan.
Laakiinse dadka ku xeel dheer siyaasadda ayaa aaminsan in khilaafka saddexda xubnood ee Wakiilladu gaadhay marxalad aan saami Karin wada shaqayn dambe oo dhex marta, taasoo khasbaysa in labada dhinac midkood laga takhalusay.
Waxaase suurto gala oo la filayaa inay arrintu ku dambeyso dhexdhexaadin ka timaada cid ka madaxbanaan dhamaan dhinacyadan oo dhan, taasoo isku soo dhaweyn karta labada Guddoomiye ku-xigeen iyo guddoomiyaha oo siddeeddii sanadood ee ay soo wada shaqaynayeen aan marna muran noocan ahi dhexdooda iman.
Hadiise taasi la waayo waxa iska cad in xaaladu noqonayso mid sharciga lagu kala calaf qaado, ka dibna marka natiijadu soo baxdo dhinaca khaladka yeeshaa uu waajahi doono cawaaqib xumo kaga adkaan doonta arrinta iminka lagu yooyootamayo ee taagan.
Sida Anshax marin iyo xil ka xayuubin sharciga waafaqsan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com