Monday, December 23, 2013

Burco: Mudaharaad Rabshado wata iyo Bilayska oo Rasaas ku dilay Dad shacab ah


Hargeysa(GNA)-Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen Mudaharaad rabshado wata oo ka socda Magaaalada Burco.




Bilayska ayaa Rasaas ku furay Mudaharaadyaal xalay isugu soo baxay magaalada, kuwaasoo ka soo horjeeda bedelka Taliyaha qaybta Bilayska ee Gobolka togdheer oo shalay Taliska Bilaysku soo saaray.




Taliye Ilka Case ayaa la sheegay in loo bedelay Gobolka Selel.




Dadka ayaa isugu soo baxay Magaalada xalay xili, dambe, waxaanay saaka isku dhaceen Bilayska.




Ninka Dhintay ayaa ahaa wiil xoogsade ah oo rasaas habow ahi ugu tagtay suuqa isagoo ka xoogsanaya.




Sidoo kale labada qof ee dhaawacmay ayaa lagu sheegay dad xamaalato ah oo suuqa iska joogay, kuwaasoo aan mudaharaadka qayb ka ahayn.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda oo la xidhiidha xiisadan oo gelinkii dambe ilaa maanta laysku soo gaadhay iyadoo Bilayska iyo dad shacab ah oo gadoodsani suuqa isbaacsanayaan.




Mudaharaadyaasha ayaa Gubaya Taayiro iyo walxo kale oo qiiq iyo uuro ku xidhay qaybo ka mid ah Magaalada.




Dad goob-joogayaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay inay arkayeen Dadka oo dhagaxaan iskaga difaacaya Ciidanka Bilayska.




Khasaaraha ka dhex dhasha dadka Mudaharaada iyo Bilayska ayaa ah mid inta badan soo noqnoqata, taasoo ay u sababtay Bilayska oo rasaas dadka u isticmaala.




Gobanimonews




Burco Office