Monday, December 23, 2013

Af-gooye: 11 oo ku dhintay Dagaal


Af-gooye(GNA)-Xaalada Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa degen, ka dib Dagaalo soo noqnoqday oo maanta mar kale ku dhex Ciidamo ka tirsan dowlada oo qab beeleed u abaabulan.




Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay qaar kalena wey ku dhaawacmeen dagaaladaas kuwaasoo isugu jiray dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah oo ay sadex haween ah ay ka mid ahaayeen.




Iska horimaadkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala gedisan ayaa bilowday markii ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay weerar ku qaadeen bar control oo ku taala degaanka Mukayga.




Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa la sheegay iney markii dambe kala dhex galeen dhinacyada dagaalamay, iyagoo ka dibna kala qaaday taasoo keentay iney caadi ku soo laabato xaalada degmada Afgooye oo tan iyo saaka aheyd mid cakiran.