Wednesday, December 11, 2013

Somaliland: Madaxtooyada oo xili Dambe sheegtay in Wasiirka Khaajigu la kulmay Masuuliyiin Carbeed


Dubai(GNA)-War ka soo baxay xalay saacad dambe aqalka Madaxtooyada somaliland, ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis soo gaadhay dalka Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kulamo kula qaatay Masuuliyiin sar sare.




Wasiirku waxa uu kulamo kala duwan la qaatay Maal-qabeeno  daneenaynaya inay maal-gashadaan Somaliland, Hay'adaha Samafalka oo ay u horeyso "Khalifa Foundation" kuwaasoo isla af-garteen in mashaariicdii hore ee Imaaraadku ogalaadeen sida ugu dhakhsaha badan loo fuliyo.




Wasiirku waxa oo kaloo la kulmay Safiirka Somaliland iyo Somaliya ee Imaaradka, taas oo ay ka wado hadleen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada wadan ee walaalaha ah.