Wednesday, December 11, 2013

Somaliland: Xukuumadda oo Koox Awdal State ka soo goosatay Hargeysa ku soo dhaweysay


Hargeysa(GNA)-Magaalada Hargeysa, waxa Maanta lagu soo dhaweeyay Xubno ka socda Maamulka Awdal State ee sanadkii 2011-ka aasaasay Maamulka cusub.




Talaabadan ayaa ka dambeysay , ka dib markii wada hadalo hore u dhexmaray Maamulka gobolka Awdal ee Xukuumadda iyo xubnahaasi heshiis lagu guulaystay.




 Ma cadda waxyaabaha uu heshiiskaasi ku qotomo, balse Wasiirro ka socda Xukuumadda ayaa maanta madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay 7 xubnood oo uu hogaaminayo Madaxweynihii Maamulkaasi    C/rashiid Xasan.




Qurbo-jooga ku midaysan Maamulka la baxay Awdal State, ayaa hore u sheegay in la bedelay nimankan Madaxweynaha iyo ku-xigeenka sheeganaya ee maanta lagu soo dhaweeyay Hargeysa.




Wasiirradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Boosaha Isgaadhsiinta iyo Guddoomiyaha Gobolka Awdal, ayaa Madaarka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay xubnahaasi.




Kooxda Awdal State oo markii la soo dhaweeyay ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka noqdeen Fikirkii siyaasaddeed ee Maamulkooda lagu sameeya, kaasoo markii hore ay kaga soo horjeedeen gooni-isutaaga somaliland .




Waxay intaasi ku dareen in imaanshiyahoodu ka dambeeyay wadda hadalo hore u dhex maray iyaga iyo Xukuumadda somaliland, wadahadaladaasoo wixii ka dhiman heshiiska lagu gaadhay dalka lagu dhamayn doono.




Dhinaca kale, xubnaha Xukuumadda ee soo dhaweeyay ayaa sheegay in imaanshiyaha weftigan Awdal State ku yimi wada xaajoodyo xukuumadda hore u dhex maray, kaasoo afgarad wanaagsan iyo heshiis lagu gaadhay.




Awdal State ayaa sanadkii 2011-kii lagu aasaasay dalka dibadiisa, gaar ahaan Cariga maraykanka.




Bishan horaanteedii ayaa Guddoomiyaha Gobolka Awdal xubnahan kulan kula yeeshay Magaalada Dubai ee isutaga imaaraadka Carabta.




Ma cadda inay miisaan ahaan soo wada xero gelin karaan Maamulkii ay aasaaseen dadkii ku midaysnaa iyo in kale, balse ilo-wareedyo hor dhac ah oo Gobanimonews heshay, ayaa tibaaxaya inay go’aankooda ka soo horjeedaan Qurbo-joogii Taageerada badan ka gestay dhismaha Maamulkii hogaanka looga dhigay.




Awdal State waxay ka mid ahayd Maamul goboleedyo ku dhismay Tabashooyin siyaasaddeed intii xukuumadda Siilaanyo talada haysay, kuwaasoo ay ka mid yihiin Khaatumo State oo wali ka soo jirta Goboladda Barriga, Maakhir State oo Bariga Sanaag ah  iyo Selel State mid loogu magac daray oo miisaan ahaan ka hooseeyay kuwan hore.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com