Hargeysa(GNA)-Madaxtooyadda Somaliland, ayaa sheegtay inaan wax dood qaran ah oo dalka lagu qaban karaa jirin.
Hadalkan ayaa saacaddo ka dambeeyay mid la mid ah oo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ka soo yeedhay, kaasoo dood ahaan wax yar kaga duwanaa, go’aan qayaxan oo uu goor dhaweyd ku dhawaaqay Afhayeenka Madaxtoodu.
Axmed Saleban Dhuxul ayaa sheegay inaan shir dood qaran lagu sheegi karo la qaban Karin, balse xisbiyadda mucaaridku ay ka shiri karaan arrimaha doorashada iyo wixii la xidhiidha siyaasaddooda.
“madaxweynaha ayuunbaa qaban kara shir qaran oo loo dhanyahay,kaasna iminka looma baahna, markaa ma jiro shir qaran oo dalka ka dhacayaa” ayuu yidhi.
Dhuxul ayaa hadalka yidhi saacado ka dib markii xalay sheegay inay xukuumaddu soo dhaweynayso shirka dood qaran ee Mucaaridku qabanayaan.
Halkan ka dhegeyso hadalka Dhuxul:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/DHUXUL.mp3"][/audio]
Afhayeen Dhuxul ayaa hadalada is burinayaa ka soo yeedheen maalin ka dib markii Khamiistii la soo dhaafay saddexda xisbi qaran ku heshiiyeen in shirkaasi la qabto.
Laakiinse Xukuumadda ayaad moodaa inay ka noqotay heshiiskaasi xisbigeedu galay markii ay gaar u faashatay.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Wakiillada oo ka hadlay heshiiskii dhex maray Xisbiyadda ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii lagu heshiiyay ee iminka xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye daadifeyeen.
"Waxa la isla gartey in doodaas maadaama Mucaarid iyo Muxaafid iyo mucaarid la isku haystey in dood qaran laga dhigo oo cid dhexdhexaad ahna loo dhiibo, waxaanu isku waafaqney in Akadamiyada loo dhiibo doodiina wakhtigii ay munaasibka ku aheyd la qabto, ajandihiina waanu kawada hadalney fadhiyaal kalena wey iskugu kaaya hadhsan yihiin"Ayuu yidhi Gudoomiye Ciro.
Waxaanu intaasi ku daray isagoo talooyin soo jeedinaya"Runtii waraaq aanu Sexeexnay may jirin laakiin muran may laheyn oo waanu ku heshiinay, waxaa nagu afar ahaa Akadamiyada oo goob joog aheyd, markii aanu soo baxney Saxaafada ayaanu lawada hadalney waxaana ugu hor hadley Mudane Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo isagu afkiisa kaga cadeeyay in heshiis dhacey qodobadiina isagaaba akhriyay,laakiin waxey ila tahey meel wanaagsan bay taaley, laakiin Saxaafadu anaga waxaa nooga muhiimsan in aanu fadhi kale isugu soo noqono".
Dadka ayaa ku jahawareeray siyaasadda isbed-bedelaysa ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Bulshada ayaa badankeedu soo dhaweysay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee laga gaadhay Shirka dood qaran, kaasoo maalin ka dambeeyay mid kale oo la sheegay in Madaxweynaha iyo labada Guddoomiye baarlaman isla gaadheen Arbacadii la soo dhaafay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com