Sunday, December 22, 2013

Goormay Xaaraantii noqotay Xalaal


Madaxweyne miyay-naan ahayn ummad muslimiin ah,miyaanu allaah(SWT) aayado badan inoogu sheegin wax-yaabaha xaaraanta innaga ah,miyaanu inoo bayaamin oo Eebe inoo cadayn xaaraanta iyo xalaasha.




Cadaalada iyo sinnaanshaha saw allaah(swt) nolosha muslimiinta ugama saldhig.Dalkan Jamhuuriyada Somaliland iyo shacabkan inteeda badani danyarta tahay ee aad hogaaminayso ma soo kala dhowayso ayaad talada ugu haysaa,ma degeen-na qorshaha-ba ka tuur-baa,degaan-na horumarinta iyo mashaariicda u badi-baa.Allaah ayaan idin ku dhaaryee bal ummadan ku nool caasimada ee biyo la’aantu ku habsatay eega,maye mashaariicdii masuuliyiintu media-ha ka sii daysay dhawrka jeer ee Xunbo-weyne ma af-libaax ayay ku dhaceen.Xagee la mariyay masharuucii kale ee Geed-deeble,isna ma ceeryaan buu ahaa.Wax ummada ka dhaxeeya oo la sheegay hadana la leexiyay ma xalaal-baa mise waa xaaraan.




Alle Ayaan idin ku dhaarshee bal soo eega madaarka hargeysa.Ma waxaynu aragnay madaar ka kooban hal run-way,3dex makhsin iyo meel 20tan baabuur qaada.Bariga,galbeedka iyo waqooyiga madaarka hargeysa bal indhahiina ku soo arka.Sawtan dawladu dadka ka iibisay ee dhismaha cusubi ka socdo.Ma sidaasay dawladan murdiso dan mooday.Madaaradiina ma waxay garatay inay jagooyin u jarjarto oo shacabka ka iibiso.Miyaan wax-baba laga xishoo-nayn.Ma sidaasaa maamul wanaag iyo daacad-nimo ah.Sawtan masaajidada laga buuxo ee la cibaaday-sanayo.Miyaanay salaadu idin xakamayn.




Maye culumadii dalku,Sh.Cabdiraxmaan,Sh.Adan-siiro iyo Sh.Dirir ayagana ma afkaa xabag lagaga dhejiyay.Maxay uga hadli waayeen xaaraantan la xalaashaday,maxaa ka hor taagan mise wax-yaabaha aan kor ku xusay waa xalaal.Danyartan lagu dul macaashayo hadana cashuurta dhabarka lagaga jebiyay,hadana harraadka lagu dilay ee mucaawinooyinkii umadaha muslimiintii ugu deeqeen in biyo loogu soo saaro hadana xukuumada uun ay ka war hayso dhinaca loo leexshay ,miyaanay masuuliyadi idinka saarnayn shuyuukhdaay.




Madaxweyne Axmedow goormay xaaraantii noqotay xalaal.




Xuseen Xasan Badmaax




Hargeysa/JSL