21/12/2013. Boorama-(GNA)-Munaasabad xil wareejina oo u muuqtay mid la kontorabaaninayay uuna soo agaasimay isuduwaha Cusub ee wasaarada dhalinta iyo ciyaaraha Gobolka Awdal Mudane Samaroon ayaa ka dhacday barxada wayn ee hanuunita dhexe ee magaalada Boorama.
Madashan oo ahayd mid uu xilka kula wareegayay mas’uulkan ayaanan haba yaraatee uusan ka soo xaadirin mas’uulkii xilka wareejinayay Mudane C/wahaab Yuusuf Ibraahim taas oo ay sababtu ahayd ka dib markii Gudoomiyaha Dibed Wareega Gobolka Awdal Caaqil Cabdoo Aayir balantu ahayd in maanta laba xilwareejin ay dhacdo.
Waxaase dhacday in Gudoomiye Cabdoo Aayar uu diiday in uu xilkii u wareejiyo iskuduwe C/wahaab Yuusuf Ibraahim oo loo soo magacaabay iskuduwaha wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Ee Gobolka Awdal oo uu warqadii lagu soo magacaabay gacanta ku haysto.
taasoo warar hoose oo soo baxay ay sheegayaan in uu isuduwe C/wahaab Yuusuf Ibraahim u sheegay in xilwareejintiisa la yara hakiyay.
Arintaas ayaa waxa ay sababtay in Isuduwe C/wahaab Yuusuf Ibraahim uu ku gacan saydho Gudoomiye Cabdoo Aayar sheegayna in uusan ka soo qayb galayn munaasabadaas xilkiina uunsan wareejinayn ilaa wasaarada loo soo magacaabay xilka loo soo wareejiyo.
Intaas ka dib gudoomiyaha Debed wareega Gobolka Awdal Caaqil Cabdoo Aayar oo dheg la qabto lahayn ayaa yimid goobtii ay xafladu ka dhacaysay waxa uuna u sheegay isuduwaha cusub ee wasaarada Dhalinta iyo ciyaaraha loo soo magacaabay in uu hawshiisa qabsado xilkana sidaas ula wareego oo aan cidna loo joojinayn goobtiina sidii ayuu uga baxay.
Mar Ay hadaba Shabadaka BooramaOnline isku dayday in aan xidhiin la samayno Gudoomiye Aayar oo aan wax ka waydiino sida ay wa u socdaan ayaanan noo suuragalin, waxaanse helnay Isuduwhii hore ee Wasaarada Ciyaaraha Gobolka Awdal C/wahaab Yuusuf Ibraahim waxa uuna noo sheegay in uu isagu yahay wali isuduwaha wasaarada ilaa haatana si sharciyana aan lagala wareegin.”
Si kastaba ha ahaatee khilaafkan cakiran ee dhinaca maamulka Dawladnimo ayaa ku soo beegmaya xili haykalkii Dawladanimo ee Gobolku lahaan jiray gabi ahaanba meesha ka baxay tan iyo intii ninkan odayga ah la soo magacaabay waxaana laga dayrinayaa in xaalada arintan isku badalka wasaaradahani kiciso kacdoon shacab maadaama uu Isuduwe C/wahaab Yuusuf Ibraahim Yahay Shakhsi Taageero Baaxad leh ku dhex leh Degmada Booram
Gobanimo news.com
Borama office