Tuesday, December 3, 2013

Somaliland: Afar Suxufi oo Xabsiga loo taxaabay Maanta






 



Hargeysa(GNA)-Bilayska Somaliland ayaa Xabsiga  u taxaabay Afar wariye oo ka hawl-gala Warbaahinta Madaxabanaan ee dalka.




Afarta Wariye ayaa xidhay gelinkii hore ee maanta xili ay samaynayeen cabasho ay saxaafaddu kaga soo horjeedo xabsi ka sii denta Eedaysane u xidhnaa weerar bishii April lagu qaaday xarunta Wargeyska Hubaal.




Warfidiyeenada xidhan waxa ka mid ah Madaxii Wararka ee Bulsho TV Siciid Khadar Cabdilaahi, Farsamo yaqaan Cabdisalaan Cabdirashiid, Xasan Maal-dhidar oo ka tirsan Hawl-wadeenada Universal Tv, iyo Cabdicasiis Bashiir Nuur oo ka hawl-gala mareeg magaceeda la yidhaahdo Xog-reeb.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Bilayska oo la xidhiidha Xadhiga suxufiyiintan, balse ilo-wareedyo laga soo xigtay Saraakiil sar sare oo bilays ah ayaa sheegaya in lagu xidhay cabashada ay sameynayeen.




Wariyeyaashan ayaa lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Caasimadda Hargeysa, halkaasoo loogu xabisay si arxan daro ka muuqato, sida ay ku waramayaan Wariyeyaal ka tirsan Gobanimonews oo Saldhiga ku booqday suxufiyiinta.




“waxa lagu xidhay meel aan nadaafadeedu wanaagsanayn oo aad u fool xun”sidaasi waxa sheegay mid ka mid ah Suxufiyiin booqday.




Xadhiga suxufiiyiinta ayaa somaliland ka noqday wax iska caadi ah, isla markaana saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay heega goostay.




Arrintan ayaa ka turjumaysa khilaafaad warbaahinta iyo Dawladda oo u dhexeeya oo aan wali xal loo helin.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com