MOOSHINKA DABADII MAXAA KA DHICI DOONA QASRIGA MADAXTOOYADA”
Taariikhdu waxay inoo sheegeysaa, Mudane C/qaasim Salaad Xasan, markii ay is qabteen Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Khaliif Galayr, wuxuu C/qaasim la dhacay Ra’iisul Wasaarihii danbe ee uu magacaabay Mudane Xasan Abshir.
C/laahi Yuusuf kolkii ay is qabteen Cali Maxamed Geedi, C/laahi Yuusuf wuxuu la dhacay Ra’iisul Wasaarihii Danbe Nuur Cadde.
Shariif Sheekh Axmed kolkii ay is qabteen Farmaajo, wuxuu la dhacay C/weli Max’ed Cali Gaas, Maanta Xasan Sheekh Maxamuud Waa la hubaa in aanu ku naaloon doonin Mooshinkan shirqoolka ah ee ay ku baxday dhaqaale ku dhow $4 Milion US Dollar, wuxuuna la dhici doonaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Jidka ku soo jira.
Taariikhda waa inaynu wax ka baranaa, kuna camal falnaa sida Masraxa siyaasaddu isu bedbedelaayo.
184-ta Mudane ee u codeysay in Ra’iisul Wasaaruhu dhaco, waxay leeyihiin MASAALEX KALA DUWAN, soona afjarmaysa Maalmaha soo socda, Waxayna si cad ugu codeeyeen wax ka baxsan wadaniyadda iyo Dastuurka, mana aanay ixtiraamin xaaladda dalku ku sugan yahay.
Waxaan u dhaafayaa Taariikhda aan waxba qarin in ay ka waranto mustaqbalka dhow, xaaladda 184-ta Mudane ee Isku raacay xaq darrida.
FAARAX C/QAADIR IYO C/KARIIM XASAN GUULEED oo ka danbeeyay burburkan soo waajahay umadda soomaaliyeed, iyagana ma aanay qiimeyn xaaladda uu ku sugan yahay dalku;
balse waxay door bideen in ay ku sii fadhiyaan kuraasta ay hadda ku fadhiyaan, iyagana taariikhda dhow ayaan u dhaafayaa in ay si dhab ah uga waranto, waxa ay kala yihiin labada nin ee kor ku xusan iyo sida ay u fakarayaan.
65-tii Mudane ee ka hor yimid xaq darrida laga soo abaabulay qasriga madaxtooyada, waxaan hubaa in mudanayaal badan ay ku soo biiri doonaan, kolka ballan qaadyadii ay kasoo bixi waayaan kooxda yar ee uu hoggaaminaayo Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliya, waxay gashay marxalad ka fool xun xilligii qabqablayaashu ay sida KEEGA u qaybsadeen 18-xaafadood ee Muqdisho, maxaa yeelay madaxdii dowladda oo isticmaashay dhaqaale, gaadiid iyo ciidan ay kula dagaalamayso Mudanayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo horjeestay mooshinkii ku dhisnaa caadifiyadda, Qabyaaladda iyo xaq darrida, Mas’uuliyad xumidaa waxaa heli doona waajibkeeda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxda yar ee isu qaawisay in ay awood ku muquuniyaan baarlamaanka.
Qodobka 35-aad ee Dastuurka, wuxuu tilmaamayaa qof kastoo la soo eedeeyo in uu xaq u leeyahay in uu isdifaaco, waxaa Madaxda Dowladdu siiba Guddoomiyaha Baarlamaanku ganafka ku dhuftay in uu Ra’iisul Wasaarihii hore yimaado baarlamaanka, iskana difaaco eedda loo jeediyay. waxaan oran karaa ma dhowa qarannimadii soomaaliyeed, aynu dhowro wakhtiga dhow iyo siyaasadda dhagareysan ee uu xambaar san yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Cali Maxamed Axmed ‘
Muqdisho Somalia