Tuesday, December 3, 2013

Haweenka dhaadheer & kuwa buuran oo khatar ugu jira kansarka


Hargeysa(GNA) culumo ka tirsan jaamacadda oxford ee u dhalatay dalka ingiriiska ayaa daraasad ay soo saareen dhawaan laga soo aruuriyay 47 cilmi baadhisood oo laga qaaday in kabadan 100,000 oo haween ah oo qaar badan oo ka mid ah ay qabaan cudurka kansarka ee ku dhaca ugxaanta xubinta taranka dumarka . waxa uu ku badan yahay dumarka aadka u dhaadheere iyo kuwa aadka u gaaban




 cilmi baarayaashu ay sheegeen in dumarka dhaadheer leeyihiin unugyo badan oo noqon kara kansar, waxaana sidoo kale door muhiim ah ka ciyaari kara kansarka korodhka hormoonada




daraasadan lasa-meeyay muddo aaad ubadan ayaa waxaa lagu baahiyay war-geysyada ka faallooda arimaha caafimaaadka bulshada ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska gaar ahaan wargeyska caalamiga ah ee lagu magacaabo Plos Medicine




Dr.paul Pharoah oo ah khabiir ku taqasusay cudurka kansarka waxna ka dhiga jaamacadda Cambridge ee ku taala duleedka magaalada london ayaa tilmaamay in ay sax tahay daraasadan la soo saaray ayna rumeysan karaan inta dumar ee laga soo qaaday baadhistan caafimaad laguna ogaaday in dumarka dheedheer iyo kuwa gaabanba ay halis ugu jiraan cudurka kansarka ee ku dhaca ugxaanta taranka




kaansarka ku dhaca ugxaanta xubinta taranka {Ovarian Cancer} ayaa ah kan shanaad ee ugu caansan kansarradda haweenka ku dhaca waxaana dalka Ingiriiska sanad waliba baadhitaano badan lagu ogaaday in 6500 dumar ah uu ku dhaco




sidoo kale daraasadan oo aad u dheereyd ayna ka hadleysay dhan waliba oo ku saabsan dhanka caafimaadka ayaa iyadana lagu xusay da’da iyo ubad-la’aanta iyo buurnida xad-dhaafka ah ee qofka soo wajahda inay ka mid tahay wax-yaabaha kor u qaada xanuunka Kansarka ee ku dhaca ugxaanta xubinta taranka




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com




askars4@hotmail.com