In ku dhow 224 Xildhibaan ayaa ka soo xaadiray Fadhiga Maanta ee Baarlamanka"Warbixin kooban
Muqdisho(GNA)-Doodda Mooshinka lagu ridayo Xukuumadda Fadaraalka Somaliya ka socota Xarunta Baarlamanka Dawladda federaalka Somaliya.
In ku dhow 224 Mudane ayaa ka soo xaadir Fadhiga Maanta, waxaana la filayaa in goor dhow codka Kalsoonida loo qaado Xukuumadda Cabdi Faarax Shirddoon Saacid.
Xildhibaanada Fadhiga ka soo xaadiray ayaa u badan garabka Taageersan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.
Sida uu ku waramayo Wariyaha Gobanimonews oo ku sugan Xarunta Baarlamanku waxa muuqata inay saacadaha soo socda Xukuumadda saacid shirdoon daaqada ka bixi doonto, wixii xiligaasi ka dambeeyana doodu noqon doono cidda bedelaysaa waayo.
Dhinaca kale, reysal-wasaare Cabdi Faarax shirdoon Garaad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu go’aan kasta oo baarlamanka ka yimaada Maxkamada Dastuuriga ah horgeyn doono, isagoo ku doodaya inaanu sharci ahayn maamus ka xayuubinta lagu sameeyay.
Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii shalay loo diiday inuu Baarlamanka horyimaado si uu u difaaco Xukuumaddiisa.
Baarlamanka ayaa shalay cod ku diiday in Reysal-wasaaruhu horyimaado Golaha.
Gobanimonews kala soco wixii war ka soo kordha