Muqdisho(GNA)-Ciidamadda Dawladda ayaa toogasho ku dilay laba Nin oo la sheegay inay dileen sarkaal turjumaan u ahaa Ciidamada Amisom, Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Guddoomiyeha degmadaasi.
Dilka ayaa ka dhacay shalay oo Axad ahayd xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa, waxaana la dilay Wiil Turjubaan u ahaa Ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh Xerada Maslaxa ee duleedka Suuqa Xoolaha.
Wiilkan waxaa toogtay labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan, isla markiiba ciidan ku dhawaa goobta lagu toogtay ay dileen ragii dilkaa geystay..
Gudoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Jacfaan ayaa sheegay inay ciidamada amniga ku guuleystaan inay dilaan dableydii dilka geysatay sida uu yiri.
Cumar Jacfaan ayaa sheegay in meydka wiilka la dilay ay ka qaadeen goobta,lana aasay.
Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo Xaafado ka tirsan Huriwaa ayaa waxaa ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo horay loogu geystay askar iyo dad kale, iyadoo xaafadaha degmooyinkaas lagu tiriyo meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com