Jacaylku wuxuu wataa Wajiyo badan oo kala gadisan, qaarkoodna waxay Hablaha u horseedaan Farxad iyo Nolol Raaxo leh, halka qaar kalena ay ka dhigaan kuwo aad u xun oo dhibaatadooduna badantahay.
Gabadhu inta badan ma kala garanayso inay la daristay mid ka mida Noocyada Jacaylka ee xun xun, iyo waliba in Guul darada iyo quusta Nafteeda soo wajahdaa uu Sabab u yahay Humaagga Jacaylka qaabta daran ee ay qabto.
Sidaas darted waxay Warbixintan soo gudbinaysaa dhowr ceynadood oo Jacayl ah, kuwaas oo aanay wanaagsanayn inay Gabadhu u dhawaato, hadii kalena Guul daro Nololeed u horseedi kara.
1- Jacaylka wax lahaanshaha: Kani waa Ceynka ugu xun Jacaylada burburiya Nolosha Gabadha, marka ay aad u jeclaato inay wax un lahaato oo wax kastana ay iyadu maamusho, iyadoo markaasna bilaabaysa inay amaro iyo Maamul adag kusoo rogto Dadka la jooga, waxayna sidaas Gabadhu ku noqonaysaa Qof ad adag oo Kaligeed taliso ah, Dadkuna waa ay ku kala tagayaan.
2- Jeclaanshaha Nafta: Tan aad bay uga duwantahay is muujinta iyo isla qob-weyninka. Gabdhuhu waxay in badan is tusiyaan in Nafta oo la jeclaado ay muhiim tahay si markaa ka dib Dadka kale loo jeclaado, laakin waxay moogyihiin inay taasi ka dhigantahay ka badbadis, Qofkuna uu Naftiisa jeclaado si ka badan sidii habooneyd, isagoo markaas noqonaya Qof kaligiis un is cajabiya oo Dadka kalena iskala wayn, waana dhibaato Gabadha ku dhalin karta inay Dad badan oo Asxaabteeda ah lumiso, Nolosheeduna ay kolka dambe Gudcur iyo go’doon gasho.
3- Jeclaanshaha Murugta: Waa Nooc Jacayl oo yaab leh, Gabdhahana ay aad ugu badanyihiin. Waxaa jira qaar Hablaha ka tirsan oo mar kasta Naftooda galiya Murug iyo Quus, soona bandhiga Muuqaal Dhibane ah oo Dadka dhan kusoo jiidaya si ay Farxad ugu raadiyaan, tanise waa mid aad u daran oo horseedi karta inay Gabadhi Loolan la gasho Rabitaankeeda la xiriira inay sidii Qof caadi ah u noolaato oo Farxad hesho iyo iyadoo Xaaladan is murugeynta ah ku jirta, Qofka kaliya ee taas ku qasaarayana waa Gabadha oo Dadku ay ka wada cararayaan Murugteeda badan darted.
4- Jacaylka Indha la’aanta ah: Noocyada ugu caansan Jacaylka waa midkan oo inta badan Hablaha ku xira Sheekooyinkii Jeceylkooda, mar kastana ay Gabadhu isku eegto Muraayad Jacayl oo Indho la’aan ah taasoo ka dhigeysa mid aan awood u lahayn inay aragto ceebaha uu leeyahay Qofka ay jeceshahay, isna iloowsiisa Qaladaadka uu iyada ka galo Qofkaas, markaasna waxaa adkaanaya inuu guuleysto Jeceylkooda.
Jacaylkan Indha la’aanta ah maaha mid jira, wuxuuna fursad siiyaa inuu Qofku Fashilkiisa qarsado, ugu dabmeyntiina Guul daro ayuu horseedaa.
Jacaylku waa Booqadaha ugu qurxoon ee Albaabka Gabadha soo garaaca, balse ka hor inta aysan ka furin Albaabka waxaa wanaagsan inay hubsato heybtiisa .
Sidoo kalena ka hor intaanay Gabadhu guran Ubaxa ku yaala Beerta Jacaylka ee qurxoon, waxaa wanaagsan inay isaga fogaato Qoryaha halista ah iyo Qodxaha soo gashana Dharka Jacaylka, balse aad uga fog micnaha Jacaylka wanaagsan.
Gobanimo News Agency