Monday, December 23, 2013

Somalia: Xafiiska Caymiska oo dib loo furayo 23 sano ka dib markii maanta guddi loo magacaabay shirtay


Muqdisho(GNA)-Xafiiska Caymiska Qaranka Somaliya ayaa la doonayaa in dib loo hawl-geliyo 23 sanadood ka dib.




Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii dhawaan la magacaabay Guddida qaran ee Caymiska.




Guddidan ayaa maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho, shirkaasi oo laga soo saaray qodobo ku tacaluqa sidii looi hawl-gelin lahaa shaqada xafiiskaasi, loona diwaan-gelin lahaa Hantidii Shirkadda.




War laga soo saaray shirkaasi ayaa lagu sheegay in Guddidu samaysay guddiyo farsamo oo ka shaqaynaya hawshan sidii loo dardar gelin lahaa.




War-murtiyeedka Guddida oo ka kooban shan qodob ayaa u dhignaa sidan:=




          Shirkadda Caymiska Qaranka Soomaaliyeed




                         شـركـة الصومـال الوطنيـة للتأميــن




          State Insurance Company of Somalia (SICOS)




 




1 . Guddiga Maamulka Shirkadda Caymiska Qaranka Soomaaliyeed (SICOS) ee Dhawaan XFS Magacawoday shir aay yeesheen 23/12/2013. ayaa waxaay ka wada hadaleyn qaabkii dib loogu hawlgelin lahaa Hay’adaas.




 




  2 . Waxaa kaloo Guddigaas islafalaqeeyeen Habkii Tirokoob iyo diiwaangelin loogu sameeyn lahaa hantiddii Shirkadda Caymiska.




 




  3 . Sidoo kale waxaa laysla meel dhigay qaabkii loo dayactiri lahaa Xaruntii Shirkadda ee degmadda Shangaani.




 




  4 .Shirkaasi waxaa lagu Magacaabay Guddi Hoosaadyo warbixin Dhameystiran kakeena Muddo 45 cisho ah.




 




  5 . Guddiga Maamulka Shirkadda Caymiska wuxuu codsi u diray Dhamaan Saraakiishii hore ee Shirkadda Caymiska.




Gobanimonews




Muqdisho Office