Monday, December 23, 2013

Hargeysa: Kalfadhiga 3-aad ee Golaha Deegaanka Maanta oo lagu Xeer-hoosaadka, sanad ka dib


Hargeysa(GNA)-Kal-fadhiga 3-aad ee Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa saaka ka furmay hoolka shirarka ee Dawladda hoose.




Fadhiga lagu furay Kalfadhiga Saddexaad ee Golaha Deegaanka Hargeysa waxa shir  guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Degaanka Hargeysa ahna Maayarka Caasimadda Hargeysa Md C/Raxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO).




Sidoo kalena waxa goob joog ka ahaa Xogahayaha Golaha Degaanka Hargeysa ahna Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa Md Mawliid Weris C/Laahi ayaa saaka lagu qabtay hoolka shirarka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa.




Fadhigan oo ay ka soo qayb-galeen siddeed iyo toban ka mid ah Xildhibaannada Golaha Degaanka Hargeysa ayaa si weyn loogu naaqishay xeer-hoosaadka Golaha oo in muddo ah la soo diyaarinayay.




Qodobbada ugu muhiimsan ee lafaguray waxa ka mid ahaa samaynta guddiga joogtada ah ee Golaha, xeerka anshax-marinta mudaneyaasha iyo nidaamka loo raacayo, muddada ay qaadan karaan safarrada dibadda iyo baahiyaha caafimaad ee ay dibadda u aadayaan Maayarka iyo maayar ku-xigeenku iyo qodobbo kale oo kaabaya habsami u socodka shaqada ay Golaha Deegaanku u hayaan bulshada Hargeysa.




Waxa sidoo kale xildhibaannada loo qaybiyay xeerar kale oo uu ka mid yahay xeerka tacriifadda iyo kuwo kale oo lagu lafaguri doono fadhiyada soo socda haddii Alle idmo.




Ugu dambayntii xildhibaannada ayaa u codeeyay xeerkan, waxaana go’aankiisa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Degaanka Hargeysa ahna Maayarka Caasimadda Hargeysa Md C/Raxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) waxaana hadalladiisii ka mid ahaa “Waxaynu saaka naashiqnay xeer-hoosaadka Golaha Deegaanka Hargeysa. Fadhiga waxa soo xaadiray 18 mudane. Waxa u codeeyay 17 mudane. Guddoomiyuhuna ma codayn. Sidaas ayuu ku dhaqan-galay.




Goleyaasha Deegaanka Somaliland ayaa la doortay bishii November ee sanadkii hore, taasoo xubnaha u soo baxay la shaaciyay bishan December ee lagu jiro.




Sidaasi darteed waxay bishan December noqonaysaa sanadii guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii la doortay.




Gobanimonews




Hargeysa office




Email: editor@gobanimonews.com




Source: Siciid Maxamuud Gahayr




Madax-qaybeedka Website-ka Dawladda Hoose ee Hargeysa