Hargeysa, (GNA)-Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil (Shiine), oo ah saldanada ugu facawayne beelaha gabooye, ayaa bayaamimay sabahah gunimada keena , waxaanu tilmaamay in gunimadu aanay ahayn wax Illaahay dusha kaga keeno dadyowga balse dadku iyagu gacmahooda ku samaystaan, waxaanu suldaanku Suldaan Naasir Cabdi Shiine,
waxaa xusay gunimada waxyaabaha beelaha lahayb sooco gumeeyay ay tahay talo xumaanta dhaxalkeeduna yahay dhaqan xumo iyo tafaraaruq intubana ay haysato beelaha lahayb sooco ee uu madax-dhaqameed u yahay. Suldaan Naasir. Waxa uu si adag u duray hab dhaqanka madax-dhaqameed, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo culimada beelaha lahayb sooco kuwaas oo ku tilmaamay in ay ka lunsan tahay qiyamkii hagaagsanaa ee ummad lagu hogaamin la haa isla markaana danaystayaal yihiin, Suldaan Naasir waxaa uu cambaareeyay rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay xaafada Daami ee magaalada Hargeysa oo uu sheegay inay sababteeda lahaayeen niman balaayada ku qadeeya oo dhalinyarada si khaldan wax ugu sheegeen. Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Shiine, waxaa uu sidan ku sheegay wareysi warfidiyeenada uu ku siiyay magaalada Hargeysa. Waxaana isagoo arrimahaas ka hadalaya uu yidhi,
“Gunimada maaha wax cid waliba Illaahay dusha ka saaro ee waa wax cid waliba gacmaheeda ku samaysato, talo xumaanta ayaa dhasha gunimada waxaanay dhaxalsiisaa jahli, dhaqan xumo iyo tafaraaruq intuba way haysataa”.ayuu yidhi Suldaan Naasir suldaan Cabdi Shiine, waxaanu intaas ku daray, “kuwa sheeganaya inay hormood u yihiin, siyaasiyiin yihiin xitaa culimadooda ayaa bilaa qiyam ah oo bilaa itijaah ah, xitaa madhax-dhaqmeedkooda ee aan anigu ka midka ahay ayay ka lun san tahay qiyamkii ay ummadan ku hogaamin lahaayeen oo baal-marsan yihiin, waayo tafaraaruq is-dabamar ,is-munaafaqadayn mar ay gaalo isku sheegaan mar ay is xabaalaan waa wax iyagu gabigoodaba isku wada maqan”.
Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Shiine, waxa uu sidoo kale cambaareeyay cambaareeyay rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay xaafada Daami, rabshadahas oo uu ku eedeeyay madax-dhaqameed, siyaasiyiinta oo dhalinyarada iyo maatada si khaldan wax ugu sheegay, waxaanu yidhi,
“Inan (Gabadh) ayaa Daami ku dhimatay oo la yidhi dhagax ayaa lagu dhuftay kii ku dhuftay aabihii ayaa la hayaa oo xidhan, ummad dhan ayaa dagaal la galiyay iyo dhib la galiya, kuwii wanaaga u tilmaami lahaa ayaa dhibkaa ku hogaamiyay, waa nasiib darro, sadex sanno ayay Boorame ku xidhan yihiin laba wiil oo mid Tumaal yahay midna Madhibaan oo jaamiciyiin ah way hiil waayeen way tol waayeen way walaal waayeen, cid u hadlaysa majiraan labadaa inan maxkamad lama taagin oo xukuna kuna dhicin hadaabay iska xidhnaan lahayeen”,ayuu yidhi Suldaanku waxaa intaas ku daray isagoo tilmaamaya in dhaliyaradaas ay hiil tolmino u baahan, “Sanadkan bishii labaad ayaanu tagnay aniga madax dhaqameedka khayr laawayaasha ah ee aan ka mid ka ahay Boorama. Odayadii Samaroon waxaanu ku nidhi waar minan yahay aanu diin dhaarano ama idinku noo dhaarta waliba aniga ayaa fikirkaas soo jeediyay, jawaabtiina waxay noqotay noo dhaaran maysaan idiina dhaaran mayno, garsoorkii dhexda ahaan ee la soo dirayna galimaayaan ayay yidhaahdeen”.
Suldaan Naasir suldaan Cabdi Shiine, oo saladanada facawayn beelaha lahayb sooco hayay muddo 20 sano ah faro madhan ka sido, islamarkaana uu mudooyinkan dambe ka gaabsaday howlahii dhaqanka, sababaha uu kaga gaabsadayna waxa uu ku sababeeyay dhaqamo xun xun oo uu ku arkay madax dhaqameedka wakhtigan ee isku isku caleemo saara, sida xaasidnimo, is-daba martayn, kala danbay la’aan, balse cid uu ka jecl yahay dadkiisa aanay jirin iyo cid uga lexjeclo badan.
Yoonis M. Jaamac
Gobanimonews
Hargeysa Office