Thursday, December 12, 2013

Somalia: Magacaabista Reysal-wasaaraha oo Xasan Sheikh 2 Safar oo dibadd ah ka baajisay


Magacaabista bedelkii Saacid Madaxweyne X. Sheikh Fool dherer ku noqotay iyo Dhegtaaga Bulshada




Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa laba safar oo dibadda ah kaga baaqsaday magacaabista Reysal-wasaare cusub oo dalku yeesho, oo ilaa hada xafiiskiisu ku mashquulsanyahay.




Xasan Sheikh ayaa ka baaqsaday Booqasho uu ku tegi lahaa Dalka Kenya oo uu kaga qayb-geli lahaa xuska 50-da ka soo wareegtay markii dalkaasi xoriyadda ka qaatay Ingiriiska, waxaanu u wakiishay Guddoomiyaha Baarlamanka Prof Jawaari oo maanta gaadhay Nairobi.




Safaro kale oo madaxweynuhu dibada ugu bixi lahaa ayuu sidoo kale ka baaqday sida lagu waramayo, waxaana ka mid ah  baroordiiqdii loo sameeyay Nelson Mandela oo shalay lagu soo gabagabeeyay Magaalada Johanesberg, taasoo boqol madaxweyne in ka badani isugu yimaadeen balse dawlada Somalia aanay door muuqda ku lahayn.




Magacaabista Reysal-wasaaraha cusub oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay saacadba saacada ka dambeysa la leeyahay goor dhow ayay ka soo baxaysaa Madaxtooyada ayaa waxa hadheeyay khilaaf iyo go’aan qaadasho la’aan, sida laga soo xigtay Saraakiil sar sare oo madaxtooyada ku dhadhow.




Waxaana intaasi dheer oo arrinta sii cakiray khilaaf u dhexeeya qayb ka mid ah xildhibaanadii madaxweynaha ku taageeray ridista saacid Shirdoon dhinac ah iyo Wasiirradii la saftay xasan Sheikh oo iyaguna waxyaabaha socda qayb ka ah.




Laba Nin oo siyaasadda muddo ku soo jiray ayaa Muqdisho laga hadal hayaa in midkood la magacaabi doono, kuwaasoo kala ah C/waaxid Axmed Goon-jeex iyo Xasan Cabdi xalane, oo labadooduba xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii dalka soo maray.




Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xulashada reysal-wasaaruhu ku tahay waxa uu ku qancinayo Xildhibaanadii la saftay ee saacid riday oo sida la tibaaxayo iyaga laftoodu ku kacsan.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com