Thursday, December 12, 2013

Al-shabaab oo Sheegatay weerar shalay lagu Xasuuqay Askar Kenyaati ah iyo dad shacab ah


Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerar shalay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Liboyo ee ku dhow Xuduuda Soomaaliya iyo magaalada Gaarisa, kaasoo ka dhashay qasaare xoogan soo gaaray Ciidamada Kenya.




 




Afhayeenka howl galada Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerar kamiin oo ay ku qaadeen Kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya ay ku dileen ilaa sideed askari oo uu mid ka mid ah ahaa Sarkaal sare.




 




"Mujaahidiinta ayaa jidka u galay kolonyo ay kenyanka wateen oo mareysay inta u dhaxeysa Libooyo iyo Gaarisa, marka la soo koobo qasaaraha gaaray waa sideed askari oo dhimasho ah, mid ka mid ah sarkaal ayuu ahaa, gaadiid waa ka gubnay"ayuu yiri Abuu Muscab.




 




Abuu Muscab ayaa sheegay in halka uu ka dhacay howl galka aanay aheyn inta u dhaxeysa Taabto iyo Dhoobley, balse ay tahay gudaha dalka Kenya, taasoo uu tilmaamay inay u fududeyneyso inay colaada gaarsiiyaan gudaha Kenya, ayna marnaba nabad ku ladin.




 




"Meesha maanta kamiinka ka dhacay ma ahan inta u dhaxeysa taabto iyo dhoobley waa libooyo yo gaarisa meesha noogu fududatay inaan gaarno waxay nooga dhigan tahay taabto iyo Qooqaani anagoo weerar ka galnay, taas waxay ku tusineysaa sida colaada ugu baaheyso gudaha Kenya"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.




 




Sidoo kale waxaa uu sheegay in qorshahooda yahay inay qasaan Kenya, isla markaana ay gaaraan magaalooyinka fog fog iyo kuwa ay xooga ku hayaan, waxaana uu ku goodiyay inay sii wadi doonaan weerarada oo kale.




 




Sarkaal u hadlay Ciidamada Kenya ayaa sheegay in weerar shalay ka dhacay xadka Libooyo ay ku dhinteen ilaa shan askari iyo labo ruux oo rayid ah, iyadoo weerarkaas ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Al-Shabaab.




 




Weerarkan ayaa ku soo beegmay, iyadoo Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere uu ku hanjabay inay weerar ku qaadayaan dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya oo ay ku jirto Kenya oo bishii September ay Kooxdan weerar dhimasho iyo dhaawac geystay ku qaaday magaalada Nairobi.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com