Thursday, December 5, 2013

Somaliland: 44 ka mid ah Shaqaalaha SLNTV oo soo saaray Bayaan ka dhan Maareeye Gaas


Hargeysa (GNA)-Madax-qeybeedyadda  kala duwan  iyo Barnaamij soo saareyaasha TV-ga Qaranka ayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  u gudbiyay  Tallo-nasteex ah oo ay kaga dalbanayaan inuu  ka dul-qaado ayax aan waxba reebayn oo ku habsaday Maamulka TV-ga qaranka.




Shaqaalaha TV-gu waxay sidaas ku sheegeen bayaan dheer oo ay maanta soo saareen oo u dhignaa sidan:-




 “Annaga oo  isuga jira  madax qaybyadda,   soosaarayasha iyo farsamayaqadda  TV-ga Qaranka, Waxaanu  Madaxweynaha   cod dheer oo nasteex ah ugu sheegaynaa  in aanay shaqada TV-gu u baahnayn inan yar oo sida uu doono ugu tagri falaya hantida qaranka  kuna caqli keefaya dadkii iyo shaqaalihii uu TV-ga iyo wasaaradda ugu yimid.




waxaan Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka dalbanaynaa inuu naga bedelo Maareeyaha shaqada laga joojiyay ee TV-ga Qaranka Khadar Cali Gaas oo shaqadda iyo waajibaadka qaranka ku soo kordhiyay dhaqammo fool xun oo ka baxsan milgaha oo uu kula macaamilo shaqaalaha TV-ga Qaranka oo uu u haysto in muquuno loo siiyay isla markaana uu ugu tagri falo inuu waxa uu doono oo sharciga ka baxsan si fudud  u dhaqan geliyo  isagoo ka faa’iidaysanaya xasaanada madaxtinimo ee dawladdu saartay.




Waxaanu  Madaxweynaha doonaynaa inaanu cod dheer oo nasteex ah ugu sheegno in aanay shaqada TV-gu u baahnayn inan yar oo sida uu doono ugu tagri falaya hantida qaranka  kuna caqli keefaya dadkii iyo shaqaalihii uu TV-ga iyo wasaaradda ugu yimid.




Waxa uu shaqaalaha u kala qoqobay hanaan qabyaaladeed iyo  waji-garasho, taasina waxay saamayn taban ku yeelanaysaa shaqaalaha TV-ga iyo shaqadda aanu qaranka u hayno labadaba. Waa masuulkii u horreeyay ee  dawladeed oo si toos ah u muujista kala fadilista shaqaalaha.




Waxa uu sameeyay mudadii sanadka ahayd ee uu xilka hayay inuu shaqaalaha u kala saaro kooxo iyo garabyo taasi oo aan ku haboonayn saaxadda shaqada dawladda, waxa uu caado ka dhigtay in uu wararka iyo Waraysiyadda laga soo qaado wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda  uu  ku xidho in laga soo shubo lacag sharci darro ah oo uu si shakhsi ah ugu tagri falo, lacagtaas oo aan ku dhicin bog-xisaabeedyadda sharciga ah ee wasaaradda Maaliyadda.




Sidaas daraadeed, Mudane Madaxweyne waxaanu si sharaf iyo milgo badan kaaga codsanaynaa inaad naga bedesho oo aan nalagu soo celin wax matare shaqada ku soo kordhiyay munaafaqad, garabayn iyo fidmo abuurid caalami ah oo uu ka soo waariday qurbaha.




Waxa culayska uu ku hayo shaqaalaha oo uu ku bilba laba ama saddex qof ka jarro gunooyinkoodii ay sababtay in shaqaaluhu ay noqdaan qaar niyad jabsan, waxaanay aamineen inay u shaqeeyaan mukhaaxi uu leeyahay Khadar Cali Gaas. Waxa Maareeyuhu aanu dhiiri gelin in suxufiyiinta TV-gu ay sameeyaan barnaamijyo lagu difaacayo waxqabadka xukuumaddu gaadhay. Waxa intaasi dheer  inuu xayaysiisyadda TV-ga dibada ka baxa uu u adeegsado si sharciga ka baxsan .




Sidaas daraadeed, waxaanu Madaxweynahayaga sharafta mudan ka dalbanaynaa inuu wax ka qabto dheg-xumooyinka uu Khadar Cali Gaas bariinsaday. Waxaanu Madaxweyne kaa rajaynaynaa inaad masuulkan shaqada laga joojiyay aanad nagu soo celin.




 




  Waxa kale oo aanu soo dhawaynaynaa hanta-dhawrka galay TV-ga qaranka, waxaanan qabnaa in ay ka soo bixi doonto warbixin dhaxal gal ah oo markhaati u noqon karta TV-gii Qaranka ee nin qudhi ugu tagri falayay sidii hanta gaar loo leeyahay oo hibo loo siiyay.




1-Khadar   Maxamed Cakuule  Madaxa barnaamijyada Radio Hargaysa  ahna soosaare    barnaamijka TV-ga




 




2-Xuseen Cabdilaahi Deeqsi   Madaxa barnaamijyada TV-ga Qaranka.




 




3-Ismaaciil Cakuule Madaxa farsamo-yaqaanadda iyo Editing-ka TV-ga Qaranka.




 




4- Ugaas Maxamed Mujabir Madaxa qaybta baahinta Dibadda  TV-ga Qaranka.




 




 




 




5-Xuseen Kurdi      Ku Xigeenka SOLNA  ahna soosaare Ducumantry-ga TV-ga Qaranka.




 




 




 




6 Cabdirisaaq Cismaan Ku Xigeenka Madaxa Barnaamijyada  TV-ga Qaranka.




 




7-Xasan Maxamed Jaamac (Baanarooma)  Madaxa  istuudyaasha  TV-ga Qaranka




 




 8-Abwaan Xasan Dhuxul( Laab-salaaax) Madaxa qaybta ducumantryga TV-ga Qaranka.




 




9 Xasan Ismaaciil  Xasan Shaaah  (soosaare) TV-ga Qaranka.




 




10 C/Qani Xasan Faarax ( Gadari)  soosaaraha  Barnaamijka Waqti ee TV-ga Qaranka.




 




 




 




11- Sidiiq Ismaaciil Axmed Madaxa baahinta gudaha TV-ga Qaranka.




 




12 Rafiiq Rashiid Bullo




 




13 Khaalid Sacad Muuse




 




14 Axmed Xaaji




 




15 Ciise Shiine  Xaashi




 




16 Khaalid C/laaahi  Cabdi




 




17 Siciid Ismaciil  Ducaale




 




18 Xasan maxamed xarbi




 




19 Cali Ismaaciil




 




20 Abokor Axmed Sheekh   Aadan




 




21 Khadar Cabdiraxmaan Muuse




 




22 Axmed Cabdiraxmaan Muuse




 




23 Farxaan  Finad Faarax 




 




24 Maxamed Cismaan Daahir




 




25 Maxamed Muxumed Aadan ( Buugal)




 




26 Khadar Xanan




 




27 Axmed Aare Aadan




 




28 Mustafe Gaas Cali




 




29 Xasan Shugri Aw-Cali 




 




30 Axmed Cumar Cadaawe ( banooni) soosaare




 




31 Ramadaan Cabdi Ismaaciil




 




32 Siciid Yuusuf Qaalib




 




33 Aasiya Jaamac Ciise




 




34 Sucaad Ismaaciil Maxamed




 




35 Yaasmiin Muuse Xasan




 




36 Safiya Cali Yuusuf




 




37 Axmed  Xaaji Cabdi




 




38 Mukhtaar  Caydaruus Cigge( Dhako)  soosaare




 




39 - Maxamed Ibraahim Madar




 




40 Idiris Aw-Nuur Maxamed




 




41 Jaamac Cigge Nuur




 




42 Mushtaaq Cabdi




 




43 Faysal Cabdi  Xuseen




 




44 Yaasiin Nuur.”




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com