Monday, December 2, 2013

Somalia: Jawaari oo lagu Eedeeyay inuu la Saftay Madaxweyne Xasan Sheikh


Muqdisho(GNA)-Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa lagu eedeeyay inuu u xaglinayo dhinaca Madaxweynaha Mooshinka Xukuumadda lagu soo oogay.




Eeddan ayaa ka dambeysay ka dib markii Maanta uu Guddoomiye Jawaari Baarlamanka ka dalbaday in cod loo qaado in Reysal-wasaaruhu hor yimaado baarlamanka iyo in kale, si uu isaga difaaco Mooshinka lagu soo oogay iyo in kale.




Siyaasiga Cali Maxamed Axmed oo si weyn ula socda  arrimaha Baarlamanka xiligan xaasaasiga ah ayaa Gobanimonews u sheegay in arrintaasi dhaawac ku tahay Dastuurka dalka.




“Maanta oo ay taariikhdu tahay 01/12/2013, waxaa (AJANDAHA) ku jiray, in Ra’iisul wasaaruhu hor iman doono Golaha Baarlamaanka, isagoo iska difaacaya mooshinka lagu soo oogay, saacaddu markey aheyd 11:00 barqannimo, shir guddoonkuna soo fariistay wuxuu ka saaray ajandaha in Wasiirka Koowaad imanaayo Golaha Baarlamaanka, wuxuuna usoo jeediyay xildhibaanada codsi oranaaya Ra’iisulwasaaruhu in uu yimaado iyo in kale cod u qaada, waa wax ugub ah, khilaafkii C/laahi Yuusuf iyo Cali Geedi wuxuu ku dhamaaday in Cali Geedi oo ahaa Ra’iisul Wasaare uu yimaado baarlamaanka iskana difaaco, Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaarihii Cumar C/rashiid, sidoo kale waxey ku dhamaatay in Ra’iisulwaasaruhu yimaado Golaha Baarlamaanka”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “Maanta arrin cusub oo ka fog dastuurka, midnimada, soomaalinimada, ayuu ku kacay Guddoomiyaha Baarlamaanku, waxaana muuqata in Mudane Jawaari uu ka barbar dagaalamayo Madaxweynaha.




Umaleyn maayo in Qarannimo, wadannimo, lagu noqonaayo hab-dhaqankan aan waafaqsaneyn wixii ay soomaali ku heshiisay oo ah (DASTUURKA).




Waxaan rajo xumo ka muujinayaa midnimadii soomaaliyeed, waxaan mar labaad rajo xumo ka muujinayaa sidii wax loo wada yeelan lahaa, Waxaan mar saddexaad ka muujinayaa sidii Muqdisho loogu kalsoonaan lahaa in ay caasimad soomaaliyeed noqoto.




Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ku dhaqmay dhaqan (TOL LA’AYEEY) oo macnaheedu yahay habar wacasho ku dheehan QABIIL, marnaba wax la ilaawi karayo ma aha.




Hal sano ka dib, waxaynu ku noqonay hab-dhaqankii qabiilka iyo fowdo iyo Tol la’ayeey, iyo Ra’iisulwasaaraha iga rida, iiga keena istaqaaladdii, waana wax aan dastuurka waafaqsaneyn, wuxuu ku tagri falay hantidii umadda isagoo adeegsanaaya xildhibaano ay isku hayb yihiin iyo kuwo aanay isku hayb ahayn in laaluush lagu bixiyo dhaqaalihii dalka.




Umadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in aan qarannimo idinka jirin koonfur, wixii sameystay maamulna in ay ku fara adaygaan, inta si ka fiican ay noqonayso sida hadda ay tahay Muqdisho”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Guddoomiyaha oo uu Eeddahan iska difaacayo.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com