Monday, December 2, 2013

Galaydh Oo Go'aanka Baarlamanka Taageeray


Kampala-(GNA)-Cali Khaliif,Cali Khaliif, oo la waydiiyaywaydiiyen dareenkiisa




Cali Khaliif Galaydh, oo ka mid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya, horena uga soo qabtay xilka Raysal Wassaranimadda Soomaaliya, kana mid ah Xildhibaanadda ka biyo diidsan diidmadda loo diiday Raysal Wasaare Saacid in uu hor yimaado baarlamaanka si uu isaga difaaco eedaymaha loo soo jeediyay ayaa dhaqan xumo siyaasadeed ku sifeeyay go?aankan uu baarlamaanku qaatay.
Cali Khaliif, oo ay warfidiyeenadu waydiiyen dareenkiisa ku wajahan go?aankanuu qatay baarlamaanku ayaa si kulul ugu gacan saydhay in  Raysal Wasaare Saacid, si qeyrul sharci ah looga hor-joogsado in uu hor yimaado baarlamaanka si uu isga difaaco eedaymaha
tunka loo saaray ayaa yidhi?
?? Waa dhaqan xumo  iyo siyaasad aan haboonayn in Raysal Wasaaraha loo diido in uu iska difaaco eedaymaha lagu soo oogay, run ahaantii waxaan u arkaa dhaqan aad u khaldan, waxaanan aamminsanahay in go?aankan khaldan ee uu qaatay baarlamanku uu noqon doono mid ka dabo yimaada  oo saamayntiisa yeesha, Raysal Wasaaruhuna xaq ayuu u leeyahay marka sharciga loo eego in uu iska difaaco eedaymaha dhusha loo saaray??, ayuu ku tiraabay Xildhibaan Cali Khaliif Gelaydh.




Dhinaca kale, qaar ka mid ah Xildhibaanadda ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya  ayaa ku adkaysanaya in uu qannuunka waafaqsanaa codka loo qaaday in aanu is difaaci Karin Raysal Wasaare Saacid, halka Xildhibaano kale oo uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf, oo go?aankan ka soo hor-jeedaa ay ka dhawaajiyeen, in aanu mooshankani ahayn mid ku yimi doonista Xildhibaanadda baarlamaanka, iyaga oo ku sheegay waa sida ay hadalka u dhigeenee in uu yahay mooshin la soo abaabulay oo uu ka danbeeyo Madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud




Gobanimonews.




editor@gobanimonews.com