Friday, December 20, 2013

Somalia: Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Jubba u dhooftay


Muqdisho(GNA)-Raisul wasaare ku xigeenka ahna sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia Fowsiyo Xaaji Aadan iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maanta ka dhooftay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Jubba ee dalka koonfurta Suudaan.




Fowsiyo ayaa qeyb ka ah wasiirada arrimaha dibeda ee dalalka IGAD oo loo xilsaaray iney soo qiimeeyaan xaalada dalka Koonfurta Suudaan oo maalmihii uguy dambeeyey ay ka socdeen dagaalo u dhexeeya ciidamada dowlada dhexdooda oo boqolaal qof ay ku dhinteen.




Anagoo qeyb ka ah guddi ka kooban shan wasiir oo ka socda IGAD ayaa waxaan ku sii jeednaa magaalada Jubba ee dalka Koofurta Sudan oo dagaalo xoog leh ay ka dhacayaan, ujeedkuna waa inaa soo qiimeyno xaalada dhanta ah ee halkaas ka jirta iyo sida wax looga qaban karo dagaalada "ayey tiri Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.




Ku-simaha wasiirada arrimaha arrimaha dibeda ee Somalia ayaa sheegtay in inta joogaan magaalada Jubba ay si gaar ah ugu kuurgeli doonto xaalada boqolaal Soomaali ah oo ku go’doonsan halkaas kuwaasoo dagaalada halkas ka bilowday awgood ay soo food saartay xaalad adag, iyadoo xustay in markaas ka dib ay baaraan degi doonaan sidii dadkaas gacan loo siin lahaa.