Muqdisho(GNA)-Baarlamanka Somaliya ayaa ansixiyay Wasiirka Koowaad Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed.
243 Xildhibaan ayaa ka soo xaadiray fadhiga oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamanka FS Maxamed Cismaan Jawaari.
239 Xildhibaan ayaa u codeeyay ansixinta Raysal-wasaaraha, wax aka aamusay laba xubnood, afarna way diiday.
Ka dib markii la ansixiyay, waxa uu mudaneyaasha u sheegay inuu waajihi doono hawlaha qaran ee u yaala, sida wax ka qabashada amaan darada , dib u heshiisiinta, dhismaha Maamul Goboleedyo rasmiya iyo qabyo tirista Dastuurka.
Cabdiwali Sheikh Axmed , ayaa la magacaabay laba todobaad ka hor, ka dib markii la bedelay Reysal-wasaarihii ka horeeyay Cabdi faarax Shirdoon, kaasoo baarlamanku codka kalsoonida kala noqday.
Gobanimonews
Muqdisho Office