Saturday, December 21, 2013

Somalia: Warqad Furan oo ku socota Madaxda Dawladda


Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya   (Fadhigiisa)




Ku: Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya    (Fadhigiisa)




 




Ujeeddo: Xuquuq Ka Maqan Beesha (Hinjiye Maxamuud Harti)




 




Waxaa si dhab ah uga xog waramaya inay jirto cadaalad darro gaamurtay, oo ay Soomaali oo dhan iyo Beesha Caalamku ka warqabto.




Waxaan rabaa inaan  u iftiimiyo Madaxda Soomaaliyeed ee nasiibka u helay inay maanta ka noqdaan madax Waddanka  Soomaaliya.




Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta jira waxaa wax lagu qeybsaday (QABIIL) Beesha HINJIYE MAXAMUUD HARTI wey ka qaday, waxayna ka mid tahay beesha (DAAROOD, KABLALAX, HARTI) intii ka danbeysay Dowaladdii dhexe waxaa wax lagu qeybsanaayay wax la yiraahdo (4.5) waxaana saami beeleedka beeshu ay laleedahay magacyada kor ku xusan.




Marnaba ma aanay dhicin in aannu helno xuquuqda beesha, waxayna arrintaasi ku dhacday in naloo xoog sheegto haddii ay tahay dhinaca dhaqaalaha ama faro badnaan aanan rumeysney in nalaga badan yahay mar haddii aanay dhicin (One man one vote).




Samir badan ayay beeshu yeelatay waxayna talo saaratay (Alle) oo ah xaq-qeybiyaha.




BEESHA HINJIYE waxay jifi hoosaad ay wax la leedahay beesha (WARSANGALI) waxayna ku fadhiyaan kuraasta sharci dajinta (BAARLAMAAN) muddo dhan 20 sano, maantana iyaga ayaa ku fadhiya golihii Baarlamaanka.




Waxaan qof kasta oo  mas’uul ah, muwaadin ah, jecel cadaaladda su’aalayaa arrintaasi XAQ MA TAHAY? MISE WAA XAQ DARRO?.




Anigu waxaan qabaa maadaama aan ka  soo jeedo beesha daarood oo aannu dhaxalka daarood wax ku leenahay in aannu helno wixii aannu xaqa u lahayn cidda aannu weydiisaneynaana waa madaxada warqaddani ku socoto.




Ujeeddada qoraalkaan aan u soo bandhigay madaxda Soomaaliyeed ee u sarreysa Dowladda Federaalka waxaa weeye in aad ogaataan in BEESHA HINJIYE ay xaq u leedahay in ay ka  mid noqoto xukuumadda cusub maadaama ay weyday kuraastii baarlamaanka.




CUTUBKA 2aad EE DASTUURKA:




XUQUUQDA ASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADINKA




Madaxa 1aad: Mabaadii’da Guud ee Xuquuqda Aadanaha




Qodobka 1aad: Karaamada Aada naha




Karaamada Aadanuhu waa deeq Ilaahay subxaanahu watacaala ku manneystay qof kasta oo bani’aadam ah, xuquuqda aadanuhu deeqdaas ayay ka dhalataa.




Karaamada waa laguma xad gudbaan, dhowristeeduna waa waajib saaran dalaka oo dhan.




Awoodda Dowladda waa in aan marnaba loo isticmaalin meel uga dhicid karaamada aadanaha.




 




Qodobka 11aad:




Muwaadiniinta oo dhan iyagoo aan loo eegin lab iyo dhedig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafanimo, xirfad, dhalasho iyo afguri toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa.




Waa fal takoorid ah haddii natiijadiisu noqoto is-hortaag ama ciriiri galin xaqa qofka, xataa haddii falka si  ula kac ah aan loo sameyn.




Xukuumadda ma takoori karto qof naba iyadoo sababeyneysa da’da, sinjiga, midabka, qabiil, isir, dhaqan ama lahjad, jinsi, dhalasho, curyaanimo, diin siyaasad ama fikir, xirfad, mulkiyad.




Waa in loo arkin fal takoorid ah barnaamijyada xukuumadda sida shuruuc, hab siyaasadeed iyo hab maamul ee loo qorsheeyay in sinaan buuxda lagu gaarsiiyo dad ama kooxo horey loogu geystay takoorid ama kusugan xaalad dib-u-dhacsan.




Qodobka 12aad: Dhaqan gelinta xuquuqda asaasiga ah




_____________




Waa jibaadka Dowladdu kuma koobna in ay dhowrto xuquuqda dalka, balse waa inay qaado talaabooyin  maangal ah oo lagu ilaalinayo in xad gudub uga yimaado cid kale.




Xuquuqda lagu aqoonsaday cutubkan sharci uun baa lagu xaddidi karaa sida ku xusan qodobka 38aad.




Ma aha xaq in Ra’iisulwasaaruhu u magacaabo fulinta BEESHA WARSANGALI ma daama ay ku fadhido kuraastii baarlamaanka waxayna xildhibaannada  qaarkood hadda olole ugu jiraan in ay soo gudbiyaan CV-yadii Walaalahood, Seediyaashood iyo Qaaraabadooda taasi waa xaq darro laga galaayo beel Soomaaliyeed oo wax qeybsi la leh BEESHA DAAROOD, KABLALAX IYO HARTI, waxaanu dhowrnaaba waa cadaaladda Madaxda Dalka ugu sarreysa ee qoraalkani ku socdo.