(GNA) Dagaalka ka socda Koonfurta wadanka Suudaan oo galay maalintiisii saddexaad ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay Soomaalida ku ganacsata magaalada Juba oo ah xarunta ganacsiga ugu weyn wadankaasi.
In ka badan 20-Dukaan oo ay lahaayeen dadka asalkoodu ka soo jeedo Soomaalida ayaa lagu bililiqeystay magaalada Jubba, iyadoo dagaalka qabiilada K/Suudaan dabley ka tirsan iyo dadweyne careysan ay ku qamaameen goobaha ganacsiga.
Magaalooyinka waaweyn ee Koonfurta wadanka Suudaan waxaa ka bilowday barakac ay sameynayaan dadka ajaanibta ah oo isugu jira kuwo ku nool dalkaasi iyo kuwa ku ganacsada oo ay Soomaalidu ka mid tahay.
Wararka ayaa intaasi raacinaya in qaar ka mid ah dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, Afrika iyo Aasiya ay dadkooda ka soo daad gureysanayeen labadii maalmood ee ugu dambeysay.
Dagaalka ka qarxay Koonfurta Suudaan ayaa isku bedelay mid u dhaxeeya laba beel ee ugu awood weyn qabiilada halkaasi ku nool, iyadoo markiisii hore dagaalka uu ka bilowday afgembi dhicisoobay oo la isku dayay in xukunka looga tuuro Madaxweyne Silva Kir.
Gobanimonews-Desk
Hargeaysa/somaliland