Monday, December 23, 2013

Shirkadda Hormuud Telecom oo qiimo dhimis ku samaysay qiimaha Adeega Internet-ka


Muqdisho(GNA)-Shirkadda Isgaadhsiinta ee Shirkadda Hormuud Telecom ayaa sheegtay inay qiimo dhimis balaadhan ku samaysay Isticmaalka Adeega internet-ka ee shirkaddu bixiso.




Sidaasi waxa lagu sheegay fariin ogaysiis ah oo ay Bulshada u gudbisay, taasoo lagu yidhi sidan:




“Dhamaan macaamiisha shirkadda isgaarsiinta Hormuud telecom waxaa loogu bishaareynayaa in qiima dhimis ballaaran lagu sameeyey Qiimaha bundle-ka internet-ka shirkadda.




Hadaba Si aad uga faa’iideysato bundles-ka cusub ee internet-ka:




Garaac *450# kadibna ka dooro qiimaha ku qanciya




 




Qiimaha Internet Data




Kushubo Xirmo ama bundle $ 1 oo ku isiticmaal 33 MB




Kushubo xirmo ama bundle $ 2 oo ku isiticmaal  80 MB




Kushubo xirmo ama bundle $ 5 oo ku isiticmaal  200 MB




Kushubo xirmo ama bundle $ 10 oo ku isiticmaal                400 MB




Kushubo xirmo ama bundle $ 20 oo ku isiticmaal                800 MB




Kushubo xirmo ama bundle $ 25 oo ku isiticmaal                1 GB




Kushubo xirmo ama bundle $ 30 oo ku isiticmaal                2 GB




Waxaad dhamaan qiimayaasha internet-ka la sameeyey aad ku iibsan kartaa adiga oo isticmaalaya lacagta ku hadalka ee ku jirta mobile-kaaga.




Wixii faafaahin intaa dheer fadlan Booqo xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud telecom ama la xiriir xafiiska adeegga macaamiisha ee 141/101 Sidoo kale booqo website-ka shirkadda : www.hortel.net