Monday, December 23, 2013

Awdal:Dareeno ka dhan ah Guddoomiye Cabdoo oo Boorama ka soo bu’aya


Boorama-(GNA)-Guddoomiyaha Gobolka Awdal Md.Cabdoo Aayar ayaa saaka arimo isku dhec beeleed iyo is hor imaad ka dhex sameeyay bulshada ku nool magaalada Boorama taas oo ka dhalatay munaasabad loogu balansanaa in si nidaamiya xilka loogu kala wareejiyo isuduwayaal loo soo magacaabay gobolka Awdal oo maalmihii u danbeeyay uu ka meermeerayay.




Labadan isuduwe ee cusub oo loo soo kala magacaabay wasaaradaha ciyaaraha iyo duulisata ayaa sida la filayay loo balan sanaa in saaka ay si sharciga waafaqsan ula kala wareegaan waxaase halkaas ka dhacday in wasiirulmustacmaraadka Gobolka Awdal Cabdoo Aayar mid ka mid ah Mas’uuliyiintaas loo soo magacaabay wasaarada Duulista iyo hawada si cad ugu sheegay in uusan xilka u wareejinayn amarna dusha laga soo siiyay in uu xilwareejintiisa dib u dhigo.




Halka mas’uulkii kale ee xilka loo soo magacaabay wasaarada dhalinyarada uu u sheegay in uu xilkaas u wareejinayo taasina waxa ay sababtay in mas’uulkii xilka sugayay in loo wareejiyo wasaarada duulista iyo hawadu ku gacansaydhay in uu xilka wareejiyo wasaarda Dhalinta iyo ciyaaraha Gobolka Awdal go’aan adagna qaatay kana soo xaadiri waayay goobtii munaasabada loogu talagalay.




Ka Dib Markii ay arimuhu sidaas u dhaceen sida aan la wada socono waxa uu Wasiirulmustacmaraadka Gobolka Awdal Cabdoo Aayar go’aan ku qaato in uu wiilkii yaraa ee xilka wasaarada dhalinta loo soo magacaabay uu amar ku siiyo in uu sidaas ula wareego meesha madhan.




Intaas wixii ka danbeeyay waxaa bilaabmatay guux hoose oo dhinaca mas’uulka loo soo magacaabay xilka wasaarada Duulista iyo Hawada Mudane C/wahaab Yuusuf Ibraahim waxa ayna shir albaabadu u xidhan yihiin ku qaateen meel ka mid ah Magaalada Boorama kaas oo go’aano ku lidi ah dhinacyo ay ka mid yihiin Wasiirul mustacmaraadka Gobolka Awdal lagu gaadhay.




Waxaa goor galabtii ah Magaalada Boorama Iskaga huleelay Wasiirulmustacmaraadkii Gobolka Awdal Cabdoo Aayar isaga oo u baqoolay Magaalada Hargeysa taas oo ay dadbadani u fasirteen Socdaaalkiisa Cabsi uu ka qabay in falal ku lidi ah lagula kaco maadaama uu xaalad huruday abuuray oo uu kiciyay waxaana la sheegayaa in uu ilaa maalmaha soo socda magaalada ka maqnaan doono.