Monday, December 23, 2013

Caruurta oo habeen walba wakhti isku mida la seexiyaa waxa ay dabeecad ahaan ka wanaagsanadaan kuwa habeenkii marba xili laseexiyo


(GNA) Daraasad cusub oo lagu sameeyay caruurta aadka u da’da yar ayaa lasheegay in ay muujineyso xiriir kadhexeeya hurdada caruurta iyo dabeecada ama dhaqankooda.




Daraasada ayaa lagu sheegay in caruurta xilli isku mida habeen kasta huruda inay ka dabeecad iyo dhaqan wanaagsan yihiin caruurta xiliyada laseexinayo ay isbebedesho.




Yvonne Kelly oo ah madaxa daraasadan ayaa sheegtay in isbedbedelka waqtiga jiifiska caruurta ay wax yeeleyneyso habka shaqada hormonada jirka, taasna ay kadhigi karto caruurta kuwa dabeecad xun oo aan la heshiin Karin caruurta kale iyo walidiintaba.