Hargaysa(GNA)Guddoomiyaha Ururka AF-GARAD oo ka mid ah Ururadda Bulshada somaliland ayaa canbareeyey cago juglaynta iyo cadaadiska ay xukuumada kulmiye ku bilawday saxaafada somaliland.
Axmed Maxamuud Cali (Shiine Afgarad) oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in talaabooyinka xukuumaddu kula dhaqmayso saxaafaddu ay yihiin kuwo ka baxsan anshax dawladnimo taas oo sida uu sheegay xukuumada kulmiye ay suuqa ka baacsanayso saxaafada madaxbanaan taasina ay noqotay mid la kowsatay xukuumada kulmiye.
“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan ururka Afgarad waxa aan cambaareynayaa xadhiga ay xukuumadu kula kacday suxufiyiinta afarta ah ee maalintii saddexaad ku xidhan Saldhiga dhexe.
Madaxweynaha waxa aan leeyahay madaxweyne markii aad mucaaradka ahayd waadigii u hadli jirtay saxaafadda ee odhan jiray waa la cabudhinayaa, runtii la yaab ayay nagu tahay in maamulkaagu ay cabudhiyaan saxafiyiinta reer somaliland ee wararka diiran dadkooda ugu hiilinaya” ayuu yidhi.
Shiine ayaa xukuumadda ugu baaqay inay xoriyadooda u soo celiso ragaa xidhan “Wax aan ka codsanayaa xukuumadu in ay sida ugu dhakhsaha badan xorriyadooda ugu soo celiso”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Afar Wariye oo ka hawl-gala Warbaahinta madaxbanaan ee dalka ayaa maalintii saddexaad ku jira Saldhiga dhexe ee Caasimadda Hargeysa.
Wariyeyaashasi ayaa Maanta lagu xukumay xadhig Rumaan ah oo aan wakhti ku cayimnayn.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com