Lama Saadaalin Karo Baarlamaanka, Waa Xildhibaano isugu jira kuwo aqoon leh, kuwo dhex-dhexaad ay tahay aqoontoodu iyo kuwo ku yimid saami beeleed.
184-ta Cod Waxaa la oran karaa waxey ku wajahan yihiin mustaqbalka siyaasadeed madaxweynaha, gudoomiyaha Baarlamaanka, Hadii khilaaf siyaasadeed soo kala dhexgalo Mid ahaan, waliba waxaan saadaalinayaa iney Jawaari birtu saaran tahay.
Runtii Waa Cod Weyn, waana Codkii Xasan Sheikh Maxamuud Ku Noqday Madaxweynaha Maalintii Iskool Bulusiya, Maantana wuxuu madaxweynuhu ku guuleystay inuu ogaado MUSHARAXNIMADIISA, "SOWTA TIQQA" Waxaa is weydiin mudan, hadii Afar Sano dhamaato Ma Xasan Sheikh Baa Musharax Ah, Mise "FAARAX CABDULQAADIR" Oo ah Ruuxiga Dowladan, waxeynu kala ogaan karnaa waqti aad u dhaw oo aan ka badneyn Hal sano cida Musharaxa Noqon Doonta, Waxaanse maleynayaa In Faarax C/qaadir Yahay Musharaxa Koowaad.
Malaheyga Waxaan Maleynayaa Iney Noqon doonto talada Faarax C/qaadir "QUUD AAN JIRIN QORYO U GURO"
Ra'isul Wasaarihii Hore tirada riday waxey u badneyd "BEESHA DAAROOD, HAWIYE", Sidaas awgeed Ninna kama dhigan karo qabiilka Tol Siyaasadeed.
Fadeexad ayey ku noqoneysaa Baarlamaanka Hadii Ay Mar Labaad Ansixiyaan Wasiiradii U Ololeynaayay In Kalsoonida Lagala Noqdo Xukuumada Ay Ka Midka Ahaayeen, Kuwaas Oo Kala ah:
1. Fowziya Xaaji Aadan
2. C/Kariin Xuseen Guuleed
3. Faarax C/qaadir
4. C/Raxmaan Dheere
5. Ciilmooge
6. Fiqi Oo Gaashaandhiga Heystay.
Ujeedada Qoraalkani Xambaarsan yahay Waxaa Weeye Waxaan Rabaa QARAN, QARAN DHAAMA KII MOOSHINKA KEENAY, ee Jabiyay Dastuurkii Uu Ku Dhaartay Madaxweynuhu.
Kuwii u Codeeyay Mooshinka ee tiradoodu aheyd 184 (Waa middi laba af-leh) oo sugeysa hadba qofkii is dhaqaajiya, murti ayaa oraneysa: "GOD HADIMO HA QODIN, HADAD QODO HA DHEREYN, KU DHICI DOONTIDNA MOOYI".
Soo Xigashada Murtidaas waxaan uga golleeyahay Labadii Xaqdaro Ku Heshiisay Xaqey Ku Diriraan Waxaan Dhowraaba Waa Xasan Sheikh & Kooxda Yar Ee Afduubtay Qarankii Soomaaliyeed.
Cali Maxamed Axmed
Siyaasi waayo arag ah