Thursday, December 5, 2013

Hargeysa:Jaxiimaddii Ifka!


Car Juuq dheh,Caggo Juglayn,Haddidaad,Gacan ka hadal,iyo Aflagaado,waa waxuu ku Caan baxay Saldhiga dhexe Hargaysi.




waxaa ka Hawlgala Askar Police ah oo wax lagu soo Barray Cashuurta laga Qaado Shacabkan baahan,Umana Muuqdaan qaar ka Faa,iidaystay waxa la soo Barray,waxaana kuu Muuqanaya Adaabta iyo Akhlaaqiyaadka ay Tobobarada Mandheera ay yihiin kuwo ka Arradan,waxkale kuma sheegi karnee waa Daad Xoor aan dalkan wax u qaban Karin.




 




Waxay ahayd Maalintii Salaasadii Maalin Madow Oo soo martay Saxaafadda Madaxa banaana,markii Mudaharaad Cabasho ah oo Salmiya kuna Muujinayeen si Caafimaad qabta oo ay aqooni ku dheehan Tahay isu soo abaabuleen iyaga oo Raba inay Socodka bilaabaan ay ku habsadeen Unugyo Ciidamada Policeka ka tirsan oo si aan hubsiimo lahayn ula macaamila hadba cida loo diro.




 




Markii ay u Taxaabeen Saldhiga Policeka ee hargaysa,ayaa waxaa Saxafiyiinta la Jalaafeeyay ay ula dhaqmeen Si Naxariis daro ah,iyaga oo Garaacis,d iyo Hadimooyin kale kula kacay wariyayaasha aan waxba galabsan.




 




Haddii ay wariyayaashu Qalad ka Cabanayeen ma Qalad Qalad ku saxbaa?haa hadda sida socotaa waa mid sidaas u muuqata,hore haddii aad u maqli jirtay Policeku waa Saaxiibka dadweynaha,waxa Tani beeniyay Askarta ka hawlgasha Saldhiga dhexe ee Hargaysa Jideeyayna mid cusub oo odhanaysa Policeku waa Silic dilka dadweynaha.




 




Wuxuu ku Labisan yahay Dirays Kaakiya Kabo Sandal ah dhinaca wuxuu ku sitaa Qori uu si Qaab Xun U sito,Qaad ayaa Afkiisa ka Muuqda,Wajigiisuna waa mid aan ku soo dhawaynayn(Waji cabuus) Ur xun ayaa ka soo Kankamaysa(Uraysa) ma yaqaan in si dagan dadka loola hadlo,Sanka ayuu taagayaa Isagoo aan Suurad Wanaagsanayn,wuxuu ku Amar ku Taagleeyaa,Cida Maxaabiista xidhan Jalka daba Sida,waxaad moodaa Malagii Cadaabta waxaanu amarada u bixinayaa sidan”garaaca kaas hanagu Soo daynina cid danbe shidh maxaad ahaydeen idinkuna,nooga dhaqaaqa meesha fur cuntada adigu gacmahaaga ku baadh”.Saldhigan ayaa u Eg mid ka sii Xuub siibanaya Sharciga lagula dhaqmo Maxaabiista,iyada oo ay soo badanayaan Cabashada dadka Mar Uun lagu soo xidhay halkan.




 




Hoos haloo Eego Hab dhaqanka Policeka,mar walbana ha la isku badalo askarta ka hawl gasha saldhigyada kala duwan ee Somaliland si aanay u dhicin inuu askarigu u arko inaanay cidi badali Karin,hana loo fiirsado askariga dhaqanka Xun,hana lagu qiimeeyo sida wanaagsan ee uu dadka ula dhaqmo,hana lagu saleeya Qaadashada Darajada cida dadkiisa wax u qabta.




Fiiro gaar ah:




Ulama jeedno inaan cid ku maagno kaliya waxaan soo bandhignay Xaqaa,iq jira loona baahan yahay In wax laga qabto,waxaana dhacda waxan iyo wax ka badan ee fiiro gaar ah ha loo ahaado.




 




Wariye:c/naasir(noolahabadan)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: noolahabadan@gmail.com