4 bilood ka hor ayay ahayd markii Guddoomiyihii hore ee Sanaag garoowe dib ugu laabtay, markii Siilaanyo Balanqaad kaga baxay
Xukuumadda Somaliland xisaab celin ma ka heysataa mashriicdii Barriga Sanaag loogu talo-galay?Warbixin
Nabad-doono iyo wax-garad ka soo jeedda Bariga Sanaag, khaasatan degmada Badhan iyo deegaamada ku hareeraysan, ayaa Magaalada Garoowe gaadhay maanta, ka dib markii uu Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole u yeedhay.
Odayaashan ayaa hormuud u ahaa qayb ka mid ah Bulshada Gobolka Badhan oo horaantii sanadkan ku dhawaaqay inay ka soo googoosteen Maamulka Puntland, una soo wareegeen siyaasad ahaan iyo deegaan ahaanba dhinaca Somaliland.
Go’aankooda ayaa sababay inay Hargeysa yimaadaan wefti ay hogaaminayaan xubnaha haatan Garoowe gaadhay oo u socday inay mawqifkooda kala hadlaan somaliland, isla markaana saamigooda siyaasaddeed iyo wixii ay xaqa u leeyihiin la siiyo.
Qaabilaad xukuumaddu u samaysay iyo kulamo madaxweynaha dhex maray ka dib, waxa maalmo yar dabadeedba loo magacaabay wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Biyaha Cabdisalaan Maxamed Xasan oo ka mid ahaa xubnaha weftiga, waxaana sidoo kale xukuumaddu siisay gaadiid iyo Kharash fara badan oo ay Odeyaashu kula laabteen deegaanka.
Sida ay Gobanimonews xogo rasmiya ku hayso waxa loo iibiyay odeyaasha Gaadiid gaadhaya Saddex Gaadhi oo marti soor ahaan loo siiyay, ka sekow Saamiga wasiirnimo ee la siiyay.
Suldaan Xasan Cali Jibriil, Nabad-doon Maxamuud Cabdalla Dab-shid iyo Nabad-doon Indho buur, ayaa ka mid ahaa xubanaha weftigaasi ugu tunka weynaa ee haatan dib ugu laabtay Garoowe “Odeyaashaasi waxay soo gaadheen Garoowe oo ay joogaan, waxaana u yeedhay oo qaabiley Madaxweyne Faroole oo kala hadlaya arrimo la xidhiidha xulida Xubnaha Baarlamanka ee deegaamada ay ka soo jeedaan,iyagaana dalbaday in saami ku filan oo ay kaga soo noqdaan tabashadooda la siiyo, sidaasaana loogu yeedhay”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay xubin ka mid ah dadka arrinta la socda oo Garoowe ku sugan.
Tani waxay imanaysaa sanad ka dib markii Odayaashan oo go’aankoodda imaanshiyaha somaliland ku ka dhashay shir ay ku yeesheen deegaanka badhan uu saameyn ku yeeshay aragtidii siyaasaddeed ee Gobolka, isla markaana dhabadda u xadheen in ardaayo kale oo ay isku deegaanyihiin Hargeysa yimaadaan, qaybna ka noqdaan dhaqdhaqaaqa siyaasaddeed ay bilaabeen.
Waxaana xusid mudan in Suldaanka guud ee Beelaha Warsan-geli muddo yar ka dib kaga daba yimi Magaalada Hargeysa, isla markaana meeqaam sare lagu soo dhaweeyay.
Hase ahaatee talaabadan ay hada qaadeen, ayaa fashilaysa go’aankoodii ka mid ahaanshiyaha somaliland, isla markaana wax ka bedelaysa aragtidii lagu qaabiley.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay, waxaana noo suurto geli wayday inaanu helno wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Biyaha Cabdisalaan Maxamed Xasan oo ay siyaasad ahaan dhaawacayaan, kaasoo rabitaankooda bulsho iyo mawqifkii ay la yimaadeen xilka loogu magacaabay.
Wasiir Cabdisalaan ayaa intii xilka hayay wax badan ka bedelay Taageerada somaliland ku leedahay Barriga Sanaag, balse isaga laftiisu beryahan dambe gaabis badani ka muuqdaa.
Dhinaca kale, maaha markii horaysay ee siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka soo jeedda Bariga Sanaag ay Garoowe dib ugu laabtaan, inta ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo taageero muujin kaga qarash qaataan.
Waxaaana afar bilood ka hor sidan oo kale Garoowe uga degay Siyaasiga Maxamuud Siciid Nuur Dabayl oo mar ahaa wakiilka Puntland ee Bariga sanaag, balse horaantii sanadkan Hargeysa u soo goostay.
Maxamuud Dabayl oo haatan u ordaya Xildhibaan Baarlamanka Puntland ah ayaa Madaxweyne Siilaanyo lacag fara badan siiyay intii Hargeysa joogay, una balanqaaday inuu xil u magacaabayo, balse waxa uu dib u noqday ka dib markii uu iska waayay isku shaandheyntii Madaxweyne Siilaanyo sameeyay bishii June ee sanadkan.
Dhamaan arrimahan ayaa daaha ka faydaya siyaasadda aan fadhiyin ee ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula macaamilayso Bulshada Gobolka Sanaag, taasoo hadii dhinac kale laga eego lacag Hal milyan oo Dollar gaadhaysa lagu qarash gareeyey Mashaariic horumarineed oo Gobolkaasi loogu talo galay.
Mashaariicdaasi oo labadii sanadood ee ugu dambeeyay Miisaaniyadda Dawladda ugu jiray Deegaamada Barriga Sanaag ayaan la ogayn waxa lagu qabtay iyo in loo fuliyay sidii loogu talo galay, inkasta oo cabashada iyo dareenada ka soo baxaya Bulshada Gobolku muujinayaan inaan waxba loo qaban.
Gobanimonews
Ceerigaabo Office
Email: editor@gobanimonews.com