Friday, December 6, 2013

Caynabo: Waan-waan Dhaqameed lagu Xalinayo Dilka Taliyihii Sirdoonka Gobolka oo ergo loo xulay


Madaxdhaqameedyo iyo Ergo nabadeed kale oo Sanaag iyo Togdheer uga tegay xalinta hawshan ayaa hormuud ka ah”




Caynabo(GNA)-Magaalada Caynabo ee Xarunta gobolka Saraar waxa ka socda qorshe xal nabadeed iyo maslaxad loogu raadinayo dil badhtamihii sanadkan ka dhacay halkaasi oo lagu khaarajiyay sarkaalkii haystay Sirdoonka Saraar.




Marxuum Taliye Axmed Caydiid oo haystay Sirdoonka Gobolka, ayaa lagu dilay Bishii April ee sanadkan, weerar ay koox dabley ah oo hubaysani ku qaadeen Xabsiga dhexe ee Caynabo, kuwaasoo doonayay inay xoog ku soo furtaan dad eheladooda ah oo loo xidh xidhay shaqaaqo ka dhalatay muran dhul oo deegaankaasi ah.




Dilka Marxuumka ayaan ilaa hada loo hayaa jirin, inkasta oo dad laqab-qabtay ay jireen, waxaana la doonayaa in lagu xaliyo hab dhaqan oo Beelaha uu ka soo jeeddo iyo kuwa dableyda weerartay ka dhasheen kaga wada xaalayaan, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah waxgaradka Gobolku.




Dhexdhexaadin labada Ardaa ee qoontaasi kala gaadhay laga dhex waddo ayaa muddo ka soconaysay deegaamada Gobolka, waxaana ku guddo jira madaxdhaqameedyo iyo waxgarad uu hormuud u yahay Suldaanka Guud ee Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali.




Sida ay ku waramaayan xubno hawshan u dhuundaloola oo ku sugan Magaaladdu, 24 xubnood oo dhexdhexaadinaysa labada Ardaa ayaa la saaray maanta oo khamiis ah, kuwaasoo isugu jira cuqaal iyo wax-garad ergo u yimi halkaasi oo dhinaca Sanaag ka soo jeedda.




“hawshaa muddo ayaa la soo wadday, maanta ayaa wajigii labaad la guddo galay, waxaana la xulay 24 xubnood oo Ergo labada Ardaa dhexdhexaadinaysa ah, maalinta sabtida ayaanay hawshooda guddo gelayaan sida qorshuhu yahay”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay xubin sare oo ka mid ah dadka hawshan gadhwadeenka ka ah.




Waxaanu intaasi ku daray “Beesha uu ka soo jeeday marxuumka horaa loogala hadlay arrintan, markaa in Ilaahay kheyr ku dhameeyo ayaanu rajeynaynaa, waxaana jooga afar suldaan iyo dadka kale oo nabadda ehel u ah”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Talaabadan ayaa xal u noqonaysa hadii lagu guulaysto Utunta dilka Marxuumkaasi oo muddo dawladdu xal ka gaadhi kari wayday, kuna guul-daraysatay inay soo qabato gacan ku dhiiglihii dilka geystay.




Waxaanay qayb ka noqonaysaa xalin shaqaaqooyin kale oo dilal sababay oo ka dhacay Gobolka Sanadkan gudihiisa, sida dil laba bilood ka hor ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qararo oo Gobolka ka tirsan oo si deg deg ah xal looga gaadhay iyo kuwo kale oo soonkan uun ka dhacay bilihii la soo dhaafay.




Gobanimonews




Caynabo Office




Email: editor@gobanimonews.com