Wednesday, December 11, 2013

Muranka Wasaaradda Warfaafintu waa Maddane M/weyne Siilaanyo Dabka ugu jira!warbixin


Maxaa sababay in madaxweyne Siilaanyo awooddiisa cid kale ugu gacan geliyo?akhri warbixin dheer




Khilaafka u dhexeeya Cukuse iyo Gaas oo kala qaybiyay shaqaalaha SLNTV iyo Guddida loo saaray oo Berri guddo gelaya hawsha. Dhegeyso








Hargeysa(GNA)-Muranka ka taagan Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland waa Maddane dab ku jira oo aanay caddeyn cidda lagu sunti doonaa, marka caddaado, inkasta oo ay socdaan isku dayo la doonayo in dabka lagaga saaro Madanahaasi.




Wuxuu musawir ka dhab ah ka bixinayaa masuuliyad darrada xukuumadda siilaanyo lagu eedeeyo, taasoo muujinaysa sida madaxweyne siilaanyo shaqadiisa iyo go’aan ka gaadhista arrimaha awooddiisa ku jaan go’an ee aan cid kale ku wehelin.




Khilaaf ka dhex qarxay koox xukuumadda ka wada tirsan, siiba aqalka Madaxtooyada, ayaa isriix riixoodu soo sababay isku day la doonayo in Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas xilka lagaga qaado, kaasoo bilowgiiba markii ay si kedis ah isu jiidheen Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi M. Daahir Cukuse, warqad shaqo ka joojin ah uu u qoray wasiir cukuse, kuna amray inaanu Xafiiska soo geli Karin.




Talabaadaasi ayaa waxa xigay in Hanti-dhawr deg deg ah la soo geliyo Xafiiska Telefishanka, iyadoo lagu eedeynayo Maareeye Gaas inuu musuqmaasuq xad dhaaf ah ku kacay, halka uu isna bilaabay habar wacasho iyo Olole uu isku difaacayo oo ku waajahay qayb ka mid ah Kooxaha xukuumadda ee sida gaarka ah isugu xidhan.




Dhacdooyinkaa isxigay waxay bilow u ahaayeen qarax Khasaare badan u geystay Wasaaradda Warfaafinta, kaasoo lumiyay habsami u socodkii shaqada wasaaradda, kala qaybiyayna shaqaalihii Telefishanka Qaranka iyo madax qaybeedyadii shaqada hagayay, kuwaasoo maalmo yar ka dib qaraxa bilaabay inay la kala saftaan Wasiirka Warfaafinta iyo Maareeye Gaas oo markii hore dhinac laga wada ahaa balse, aakhiru licibkii waxoogaa Kalsooni ah ka kasbaday qayb ka mid ah shaqaalle hoosaadka.




Gaas ayaa Kalsooni kooban kaga helay shaqaalaha markii uu balan qaaday inuu dib ka saxayo khaladdaadkii shaqo ee uu galay, intii uu bad-qabka shaqada ku hayay, taasoo sababtay inay shaqaaluhu nasteex uga hiilinaya madax waaxeedyada ka helaan marka arrinta la xaliyo.




Hase ahaatee waxay arrintu sii weynaatay markii uu madaxweyne ku-xigaanka dalka cabdiraxmaan Saylici, gurmad ku yimi xarunta warfaafinta, lana kulmay dhinacyada is-khilaafsan iyo shaqaalaha, isagoo u soo jeediyay inay xaaladda dejiyaan shaqadana si wanaagsan u wadaan.




Md Saylici ayaa kala jihaynta madaxda Wasaaradda ee khilaafku ka dhexeeyo u daayay Madaxweyne Siilaanyo oo safar ku tegay Jig-jiga, balse xalkii Madaxweynaha laga sugayay wuxuu noqday in Guddi wasiirro ah loo saaro soo afjarida murankaasi.




Waxa halkaasi ka soo baxday su’aal markii dadka qaar isweydiiyeen oo ah, maxay guddidu qabanaysaa?.




Ma maareeyaha iyo wasiirka ayay dhexdhexaadinayaan oo waxay isku hayaan hoos u eegayaan?




Ma labada Masuul ayay mid xilka ka qaadayaan?




Mise waxay wataan qorshe kale oo madaxtooyadu u soo dhiibtay?




Qorshahay doonaan ha wateene, Guddidaasi ayaa timi maalin ka dib markii madaxtooyadda laga soo wariyay inay Wasiir Cukuse iyo Abiib timo cad oo wasaaradda Warfaafinta u kala dambeeyay arinta isku faro saari gaadheen, ka dib markii Wasiir abiib maalin ka hor difaacay madaxbanaanida Telefishanka Qaranka.




Guddidaasi oo aan la ogayn qorshaha ay wataan iyo meesha ay wax ka bilaabayaan, ayaa la sheegay inay Maalinta Arbacadda ee Berri guddo geli doonaan hawsha  loo xilsaaray, waxaana sidaasi sheegay Wassiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga  Maxamed C.laahi Cumar oo Xubin ka ah Guddidan oo tiro ahaana  ka Kooban Saddex Wasiir.




Wasiirka Cumar oo maanta la kulmay Shaqaalaha Wasaaradda ayaa sheegay in Madaxweynuhu danaynayo wax ka qabashada dareenada ay tirsanayaan Shaqaalaha Wasaarada Warfaafintu isla markaana uu hor dhac u yahay Gudidan oo ay Wehelin doonaan Wasiirada Hawlaha Guud iyo Xanaanada Xoolaha.




Kulanka maanta dhacay waxaa ka hadlay oo kale Wasiirka Warfaafinta C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo sheegay in shaqaalaha looga baahan yahay inay Anshaxa Saxafinimo ilaaliyaan, isla markaaana shaqadoodda si wanaagsan u gudtaan.




Halkan ka Dhegeyso, hadaladii ay ka jeediyeen kulanka labada wasiir:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Wasiirada-iyo-Khilaafka-Warfaafinta.mp3"][/audio]




Shaqaalaha Telefishanka ayaa tan iyo intii arrintu socotay iyafa laftoodu loolanka qayb ka ahaa,waxaana jira bayaano iyo qoraalo maalinle warbaahinta loogu soo gudbiyo oo ay soo saarayaan qaybaha shaqaaluhu u kala qaybsamay.




Tiro warsaxaafaddeedyo warbaahintu daabacday ayay soo saareen Agaasime waaxeedyada Telefishanka Qaranka, kuwaasoo dalbanaya inaan laga hor iman qorshaha wasiirka warfaafintu dabada ka riixayo ee lagu caydhinayo Maareeye Gaas.




Waxyaabaha kale ee dhacay intii khilaafkani taagnaa waxa ka mid ah Agaameyaasha oo ku gacan saydhay kulan laba maalmood ka hor uu maareeyahoodu, shaqaale hoosaadka oo ku kacsan agaasimeyaasha ololaha ku jira iyo Hanti dhawr qorshe la’aan ku galay, isla markaana ku qufulay qaar ka mid ah xafiisyada Maaliyadda ee Telefishanka qaranka.




Dhamaan arrimahani waxay imanayaan wax ka yar 13 Bilood, markii isqabqabsi ka dhex qarxay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale iyo Maareeyihii Telefishanka Qaranka ee xiligaasi Axmed Saleban Dhuxul uu galaaftay Wasiir Boobe, ka dib markii uu xilka ka qaaday Dhuxul.




Taasina waa nusqaan siyaasaddeed oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo boog ku ah, taasoo nabar muuqda ku ah Warfaafinta Qaranka, muujinaysana inay ku fashilantay horumarinta wasaaradda Warfaafinta, marka laga yimaado waaxyo ka mid ah oo iyaga shaqadoodu si wanaagsan u socoto, sida Wargeyska Dawan.




Si kastaba ha ahaatee ilo wareedyo kala duwan, xogo qoto dheer iyo ifafaaleyaal Mareegta Gobanimonews uruurinaysay tan iyo bilowgii yooyootankan, ayaa muujinaya in khilaafkani ka sal balaadhanyahay dhawrka shakhsi ee uu farsamo ahaan u sameeyay, isla markaana bilowgiisii laga soo mu’alifay aqalka Madaxtooyada.




Waxaana ilo-wareedyada la tibaaxayaa tilmaamayaan inuu salka ku hayo khilaaf iyo kala jab ku yimi Koox uu  Khadar Cali Gaas ka mid yahay oo ka mid ah isbahaysigii Wasiirka Madaxtooyaddu ka mid ahaa.




Waxa ka sheegayaa inay arrimaha socda dabada ka riixayaan Kooxo biyo hoostooda iska hirdiyaya oo aan wali isku baxsan, kuwaasoo uu ka mid yahay Wiilka uu Madaxweynuhu Sodoga u yahay ee Baashe Moorgan iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.




Xil ka qaadista Maareeyaha Telefishanka Qaranka waxa awood u leh Madaxweyne Siilaanyo iyo cidda ka sokaysa ee lagu eedeeyay inay door ku leeyihiin arrimaha noocan ah, balse waxa lays waydiinayaa goorma ayay dhacaysaa  taasi?.




Way adagtahay in su’aashan hada laga jawaabo, balse waxaan muran ka joogin saameynta ay iyo qoto dheeraanta arrintani leedahay, maadaama ay gacmo faro badani ku jiraan.




Marka ay sidaasi arimuhu yihiina waxa iska cad in go’aanka madaxweynuhu noqon doono mid ka saameyn balaadhan sida la moodayo, isla markaana dhinacyo badan waxyeelo ka gaadho, waayo hadii maareeye Gaas la eryo waxay taasi dhaawacaysaa kooxda Isbahaysiga dhaqaale ka dhexeye ee Moorgan ka mid yahay.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Editor@gobanimonews.com