Muqdisho(GNA) Dabley aan haybtooda la garanayn ayaa siddeed ruux oo Kenyan oo isugu jiray askar iyo rayid ku dilay maanta deegaanka Liboyo oo ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaadhi ciidamada Kenya wateen oo halkaas marayay.
Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa labadii bilood ee ugu dambeeyay, waxaanu ku soo beegmay xilli dalka Kenya looga dabaal-degi doono maalinta Khamiista ah ee soo socota sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay markii ay xorriyadda ka qaateen dalka Britain sannadkii 1963-kii.
Saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay askar iyo dad shacab ah kuwo kalena si xun loogu dhaawacay, isagoo xusayin shank a mid ah dadka dhintay ay askar ahaayeen.
“Weerarka waxaa lagu dilay shan askarta booliiska ka tirsan iyo saddex qof oo shacab ah,” ayuu yiri sarkaal booliiska oo aan magaciisa sheegin oo wareysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.
Wararka ayaa intaas ku daray in in laba askari oo ka tirsan ciidamadii booliiska Kenya ee la socday gaariga ay maqan yihiin oo aan la ogeyn halka ay aadeen, iyadoo wararku sheegayaan in laba qof oo kooxihii weerarka geystay ka tirsan la dilay.
Illaa hadda lama oga cidda weerarkan geysatay, laakiinse saraakiisha booliiska Kenya ayaa weearrkan ku eedeeyay Al-shabaab
Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegatay inay ka dambeysay weerarro lagu dilay ciidammo Kenya ah oo ka dhacay deegaannada ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Xaduudda Soomaaliya iyo Kenya oo dhirirkeedu yahay 700-km ayaa ahayd goobta ugu khatarta badan ee kooxaha hubeysan ay ku ugaar sadaan ciidamada dalka Kenya iyo dad kale ee ay uga shakiyaan cadowgooda.
Taliye ku xigeenka ciidamada Kenya, Samuel Arachi ayaa xaqiijiyay in lagu dilay askar badan weerarka ay kooxaha hubeysan ku qaadeen baabuur ay wateen booliiska. “Weerarku wuu jiraa waxaana lagu dilay saraakiil booliiska ka tirsan iyo dad shacab ah, waxaana socda howgallo lagu baadi-goobayo kooxihii weerarkan ka dambeeyay,” ayuu yiri Arachi.
Xarakadda Al-shabaab ayaa ku goodinaya fursad kasta oo ay kula dagaalami karaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somaliya.
Waxaana warar qarsoodi ah oo laga helay tibaaxayaann inay qorsheynayaan al-shabaab weeraro ay ka geystaan dalalkaasi oo Kenya ka mid tahay, taasoo sababtay in Dawladda UGANDA heegan geliso ciidamadeeda amniga ee gudaha dalka ku sugan.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com