Dawladda Xasan Sheikh oo Dhegeha ka furasatay Dhawaaqa Dhibaneyaasheeda iyo Ajaanibkii kale oo dalalkooda looga soo gurmaday
Jubba(GNA)-Xaaladda dalka koonfur suudaan ayaa ka sii daraysa xili ay socdaan dedaalo lagu xalinayo xiisadda taagan.
Xoogaga Mucaaridka ah ee dagaalamaya ayaa ku sii siqaya Magaalooyinka waaweyn ee Dalkaasi si ay u qabsadaan.
Dadka Ajaanibka ah ee dalkaasi ku sugnaa ay ka qaxaya, kuwaasoo loo daad guraynayo dalalkooda iyo meelo kale si ay uga badbaadaan in khasaare soo gaadho.
Dalka Koonfurta Suudaan ayaa ah waddankii ugu dambeeyay ee Caalamka ku soo kordha, waxaanu laba sanadood ka hor ka go’ay dalweynaha Suudaan, ka dib dagaalo sanado badan soo taxnaa.
Dad badan oo Afrika iyo dalal kale ka kala yimi ayaa fursado Maal-gashi Ganacsi ka samaystay intii uu dalku dhismay, kuwaasoo qayb ka ah dadka iminka ka qaxaya colaadda ka qaraxday.
Boqolaal Somaliya ayaa Shirkaddo Ganacsi oo waaweyn ka samaystay, kuwaasoo ay Hanti faro badani ka gashay, taasoo ay kala mid ahaayeen dadyowga kale ee fursadaha ganacsi ka helay dalkaasi.
Khasaare badan oo Maaliyaddeed ayaa durba ka soo gaadhay dadka Somalida ah qalalaasaha dalku galay, waxaana hantidoodii laga boobay Somali faro badan oo degenaa magaalooyinka waaweyn ee waddankaasi.
Wararka laga helayo Magaalada Bor oo ka mid ah meelaha ay Somalidu Ganacsiyada ugu badan ka samaysteen, ayaa sheegaya in Ganacsatada Somaliya u dhashay ee hantidooda la boobay xaalad xun ay ku sugan yihiin.
Meelaha ay ku dhibaataysanyihiin Soomaalida waxa ka mida Xero Qaramada Midoobay ku lahaayeen magaaladaas oo gacanta u gashay Kooxaha Mucaaradka.
Mid ka mid ah ganacsatada hantidooda la boobay ayaa sheegay in dhamaan wixii hanti u yaalay Magaalada Bor la dhacay, isla markaana aysan heysan wax baad iyo biyo ah.
Noocyada Ganacsi ee ay Somalidu ku lahayd Magaalada Bor waxa ka mid ahaa bagaashka, raashinka, qalabka dhismaha guryaha, shidaalka iyo xawaalado lacagaha lagu xawilo.
Xasan Dhaqane Cumar oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Koofurta Sudan, kuna sugan magaalada Jubba ayaa sheegay in dhibaatada ugu daran ay heysato Soomaaliya, maadaama muwaadiniinta ku sugan dalkaas ay dalalkooda la baxayaan.
"Soomaalida kaliya ayaa dhib heysta, waxaa ugu daran magaalada Bor oo Soomaali badan ku go'doonsan yihiin, xero UN-ka leeyahay ku jiraan, muwaadiniin badan ayay dalalkooda la baxeen, Soomaalida kaliya ayaa heysan cid u soo gurmata"ayuu yiri Xasan Dhaqane.
Sida uu sheegay Dhaqane Somalida ku nool dalka Koonfurta Sudan ayaa gaadhaysa ilaa 8 Kun ilaa 10 kun oo ruux, kuwaasoo ku filiqsanaa dhamaan 10-ka Gobol ee uu ka kooban yahay dalkaasi.
Dawladda Somaliya ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee qaybta ka ah Dedaalada lagu doonayo in xaalada dalka lagu dejiyo, waxaana ku sugan Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibada Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabille oo xubin ka ah Ergo heer wasiirro ah oo Urur Goboleedka IGAD u diray dalka k/sudan.
Ma cadda waxa uga qorshaysan Dawladda Somaliya samatobixinta Kumanaankeeda Mawaadin ee ku gadoodsan waddankan Curdin dhadhaya ee K/sudan.
Mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Dawladda Xasan Sheikh Maxamuud, masuuliyaddi ka saarantahay badbaadinta dadkan, inkasta oo ay horeba wax uga qaban wayday dhibaatooyinka Somalida loogu geysto dalalka kale ee Caalamka, sida Koonfur Afrika iyo dalal kale oo badan
Dagaalka ka socda Koofurta Sudan ayaa u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo mucaaradka, kaasoo ka dhashay isku day Afgami Mucaaridku soo maleegeen oo fashilmay todobaadkii hore.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com