Tuesday, December 24, 2013

Siilaanyo oo ku fashilmay inuu Shacbiga u muujiyo Hogaamin wanaagsan iyo Hufnaan siyaasadeed


Somaliland: Bulshada oo walaacsan natiijada Xiisadaha siyaasadeed ee isa soo taraya iyo sida uu madaxweynuhu uga hurdo




Hargeysa(GNA)- Dad badan ayaa soo dhaweeyay warar todobaadkii hore ka soo baxay kulan  aqalka Madaxtooyada somaliland ku dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo labadda Guddoomiye ee Golaha Baarlamanka, kaasoo la sheegay inay saddexda xubnood isku waafaqeen qabashada shirka doodda qaran ee maalmahan murankiisu wajiga kale yeeshay.




Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cirro oo kulankoodu ka dambeeyay Odayn ay isugu geeyeen Guddoomiyaha guurtida iyo Odayga Somaliland Xaaji Cabdi waraabe, ayaa Madaxtooyada laga soo wariyay inay isfaham siyaasadeed ka gaadheen dhawr qodob oo laga wada hadlay oo shirka doodda qaran ugu weynyahay.




Laakiinse warkaasi waxa weyni iska bedeleen maalin ka dib markii saddexda xisbi qaran iyo Akaadamiyadda nabaddu ku heshiiyeen in shirkaasi xukuumad  iyo xisbiba laga wada qayb galo, hagidiisana lagu wareejiyo Akaadamiyadda Nabadda iyo horumarinta.




Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa Sabtidii ina dhaaftay Warbaahinta u sheegay “Xisbiyaddu way ka shiri karaan Arrimaha Doorashooyinka, laakiinse dalka kama dhici karo wax shir qaran la yidhaahdaa”ayuu yidhi Dhuxul Saacadose ka hor isla maalintaasi wuxuu sheegay “Xukuumaddu way soo dhaweynaysaa Shirkaasi, waanay ka qayb gelaysaa”.




Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbul xaakimka Muuse Biixi Cabdi ayaa isla maalintii sabtida sheegay inaan wax heshiis ah oo dhex maray saddexda Xisbi jirin “wax heshiis ah kamaanu gaadhin in shirkaasi la qabto iyo ajandaha lagaga wada hadlayo, laakiinse halaga wada hadlo ayaanu isku waafaqnay”.




Ma jiro wax war ah oo dambe oo ka soo baxay Xukuumadda iyo Xisbigeeda toona, balse xisbiyadda mucaaridku waxay sheegayaan inay wali ku taaganyihiin Heshiiskii ay arrintan kala gaadheen Xukuumadda.




Aragtiyahan kala fog ee ka soo baxaya Dhinacyada siyaasadda ayaa muujinaya inuu jiro khilaaf iyo ismari waa siyaasaddeed, kaasoo qayb ka ah arrimo badan oo murugsan oo ay ilaa hada Bulshadu Madaxweyneha waddanka ka sugayso inuu qaarkood faro-gelin ku sameeyo, kuwona go’aan ka soo saaro.




Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud iyo xulafadiisa xukuumadda oo xisbiga Kulmiye qayb ka yahay  ayaa shacbiga Somaliland ka sugayaan inay jawaab cad ka bixiyaan Mugdiga ku jira qabsoomida Shirweynihii Xisbiga talada haya, mawqif cad oo ku salaysan Shirka doodda qaran iyo Khilaafka ka dhex taagan Shir-guddoonka Wakiiladda.




Arrimaha oo bulshada dhexdeeda dood badan ka abuuray, isla markaana xaasaasiyadda ka taagan lagu aroorinayo aqalka Madaxtooyada,  ayaa dadku isweydiinayaan sababta uu Madaxweynaha dalku uga amaaunsanyahay.




Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo madaxweyne Siilaanyo badhtamihii sanadkan u cayimay 25 Bisha December, waxa muuqata inuu wakhtigaasi oo laba maalmood inaga xigaan dib uga dhacayo, isla markaana hogaanka xisbigu war cusub ka soo saarin.




Sidoo kale, mawduuca hadal heyntiisu muddada soo socotay ee Shirka dood qaran, ayaa isaguna ah arrin jahawareer dhaliyay oo Madaxweyne Siilaanyo marna aanu afkiisa soo marin mawqifka uu ka taaganyahay, inkasta oo ay jiraan xubno ka mid ah shaqaalihiisa oo tan iyo markii lagu dhawaaqay warbaahinta ka daadifeynayay, kuwaasoo aan waxba laga soo qaadin hadalkooda.




Arrinta saddexaad ee xalinteeda madaxweynaha lagu riixayo, ayaa ah Khilaafka shir-gddoonka wakiillada oo saameynaysa awoodda sharci ee dalka iyo dheeli tirnaanta nidaamka Dawladnimo hadaan dhakhso loo xalin.




Saddexdan arrimood ayaa dhamaadka sanadka sii galbanaya ee 2013-ka boog siyaasaddeed ku ah hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo ee dalka oo afar jirsanaysa bisha lixaad ee sanadka 2014-ka.




Boogtaasi ayaa u muuqata mid caabuqeedu ku sii fidiyo hanaanka dawladnimo, isla markaana madaxa la gelaya marxalad amniga iyo kala dambeynta meesha ka baxaan.




Dareenka dadka ayaa marka la dhuuxo laga dheehanayaa niyad jab iyo jahawareer siyaasadeed oo ku dhacay, taasoo ay u weheliso dhaqaalaha waddanka oo sii xumaanaya iyo shaqo la’aanta oo wali aan wax muuqata laga qaban.




Bulshada ayaa ka walaacsan waxa iman kara hadii Xisbiyadda Mucaaridka ahi ku sii adkeystaan qabashada shirka doodda qaran,waxaana cabsida jirtaa ay tahay in isku dhac yimaado.




Sidoo kale Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo fashilma ayaa dad badan oo taageerayaashiisa ah walaac weyn ku ah, kuwaasoo wadnaha farta ku haya, isla markaana u dhegtaagaya waxa laga yeeli doono ee dambe.




Khilaafka Shirguddoonka Wakiillada ayaa hadii uu sii xumaado laftiisa wer wer siyaasadeed laga muujinayaa, kaasoo labada xubnood ee shir-guddoonka ugu sareeya Cirro iyo Baashe, hadii uu  midkood saameeyo xilkiisa  xiisaddo siyaasadeed iyo tabasho bulsho ka dhalanayso, isla markaana cawaaqib xumo laga dhaxli karo.




Dhamaanba arrimahan murugsan iyo dhacdooyinka kale ee joogtada u dhacaya, sida cabudhinta Asxaabta, Saxaafadda iyo habacsanaanta maamul ee Hay’addaha dawladda ka muuqata, ayaa ah kuwo ka madhan go’aan madaxweyne iyo xataa faro gelin muuqata oo xal lagu doonayo.




Waxaanay taasi sababtay in dadweynaha rayidka ah iyo qaybo ka mid ah kuwa siyaasadda ku foogani iweydiiyaan madaxweynaha  dalka hogaaminayaa miyaanu arrimahan dhacaya waxba ka ogayn?, muxuuse afka iyo Aadadimadaba uga xidhay.




Dadka qaarkiina waxay aaminsanyihiin inaanay jirin wax  talo ah oo madaxweynaha  Siilaanyo gacanta ugu jiraa, xaqiiqduna ay tahay inay waddanka  taliyaan Haweenka  iyo Kooxaha  socod baradka  ah ee maamulka siyaasadda ku soo biiray markii Xukuumadda Kulmiye talada la wareegtay.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com