Boorama-(GNA)-Boorama maamulka degmada Boorama oo  ay hogaaminayaan gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Boorama saleebaan xasan xadi,gudoomiye ku xigeenka  Maxamed Muxumed Faarax iyo qaar ka mid ah  xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Boorama ayaa Casho-sharaf la qaatay Weftiga Awdalstate ee wadahadalada la furay xukuumada Somaliland .




maamulka degmada iyo Awdalstate  (1)




Kulankani ay soo qaban qaabeiyeen maamulka degmada Boorama ayaa xog wareysi ah ,sidoo kale lagu sabootinayey weftigani oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Boorama isla markaasina kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Boorama .




Sidoo kale waxaa kulankani ku wehelinayey madaxweynaha awdalstate Garyaqaan Rashiid Awnuur Xirsi iyo madaxweyne ku xigeenka Awdalstate Aamina Daahir iyo wasiirka arimaha dibada ee maamulka Awdalstate .




maamulka degmada iyo Awdalstate  (2)




Gudoomiyaha golaha deegaanka Saleebaan Xasan Xaddi oo ugu horeyntii hadalka qaatay ayaa soo dhaweeyey weftigani ku sugnaa magaalada Boorama isla markaasina sii sabootiyey markii dambe .




Sidoo kale maayir ku xigeenka degmada Maxamed muxumed faarax oo isna madashaasi ka hadalay ayaa soo dhaweeyey weftiga isla markaasina sii sabootiyey.




maamulka degmada iyo Awdalstate  (4)




Iskastaba ahaatee  weftigani ayaa shalay galinkii dambe ka baqoolay magaalada Boorama iyaga oo ku sii jeeda xarunta Somaliland ee Hargeysa kaasi oo ka sii ama qaadi doona wada hadaladii u bilaambay Awdalstate iyo Somaliland




Gobanimo news.com




Borama office




Wariye Mustafe caraale