Tuesday, December 3, 2013

Ganacsadaha Sucuudiga ah ee Al-camuudi oo laba warshadood oo waaweyn ka dhisaya Itoobiya


Addis-ababa(GNA)-Ganacsadaha billionaire-ka ah ee Mohammed al-Amoudi, ayaa dalka Itoobiya ka dhisaya laba warshadood oo Sibidhka soo saari doona oo waaweyn.




Mashruucan ayaa noqonaya kii ugu balaadhnaa ee dalka Itoobiya laga hir-geliyo, waxaanu qayb ka noqonayaa Mashaariic gaadhaya 351 Milion oo Dollar oo Ganacsadahani ku leeyahay dalkaasi, kaasoo “Derba Cement” oo laga furay bishii December 2011 Magaalada Deri dhaba.




Al-camuudi ayaa doonaya inuu dalka Itoobiya ka sameeyo Mashaariic maal-gashi oo ku kacaya $3.4 billion shanta sanadood ee soo socota .




“Fursadaha Maalgashiga gaarka loo leeyahay ee afrika waanu ka qayb qaadanaynaa,kuwa dawladdaha masuulka ahi ka jiraan ee degenaanshiyuhu ka jiro sida Itoobiya oo kale”ayuu yidhi Al-camuudi oo ka hadlayay shir lagaga hadlayay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Afrika oo ka dhacay Magaalada Addis-ababa.




Al-camuudi ayaa Kaalinta 134-aad kaga jira dadka ugu qanisan Caalamka , sida ay ku warantay Blooberg todobaadkan, waanu haystaa hanti gaadhaysa 8.7 Bilion.




Ilaa afar Mashruuc oo ku kacaya Balaayiin Dollar lacag gaadhaysa oo ay leeyihiin Hantileyaal carbeed ayaa ka socda dalka Itoobiya, waxaana ka mid ah kuwo lagu maalgelinayo Beeraha Cuntada, Daawooyinka, Bunka iyo mashaariic kale, sida ay warantay mar kale Blooberg.