Monday, December 23, 2013

Imaam Masjid oo Toogasho Lagu Dilay Isagoo Akhrinaya Khudbadii Jimcaha (MUUQAAL


(GNA) Imaamka ahna khadiibka masaajidka Cumari ee xaafada Wacira oo ku taala magaalada Xalab, ayaa toogasho rasaaseed ku dhintay kadib markii masaajidkaas la soo weeraray, wakhti khudbadii salaada jimcuhu sii dhamaanaysay, maalintii jimcihii ee 21, December 2013-ka, sida muuqaal kooxaha kacdoonku ku baahiyeen shabakada youtube muujinayo.




Imaamkan oo lagu magacaabi jiray, Sheekh Safwaan Mashaariqi, ayaa wakhtiga masaajidka la soo weeraray ku gudo jiray, gaba gabadii khudbadii jimcaha, waxaanu u ducaynayay kooxaha dagaalka kula jira xukuumada Suuriya in Illaahay u gar gaaro, hasa yeeshee waxa markiiba ku bilaabmay weerar iyo duqayn, taas oo dadkii masaajidka ku tukanayay argagax iyo dhaawac intaba soo gaarsiisay, hasa yeeshee khadiibka iyo imaamka masaajidkaas oo dadka ugu baaqaya inay is dejiyaan, ayaa isaga laftiisa rasaastu qaaday oo halkaas ku geeriyooday.








 




Xigasho:Ishabaydhabo