Berbera(GNA)-Maareeyaha Dekedda Berbera ayaa Beeniyey jiritaanka khilaaf ka dhexeeya Wasiir ku-xigeenka amniga iyo inay xukuumaddu heshiis la gashay Shirkaddo maalgashi ku samaynaya Dekedda Berbera.
Warbaahinta ayaa maalmahan qoraysay warar isa soo tarayay oo sheegayay in aqalka Madaxtooyada loogu gar qaaday Maareeye Cali xoor xoor iyo Wasiir ku-xigeenka amniga Cabdilaahi Cismaan Abokor , kaasoo dhinacyo kala duwan salka ku hayay.
War qoraal ah oo maanta ka soo baxay Xafiiska Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Maxamed Xoor-xoor, ayaa lagu sheegay inaanay waxba ka jirin warkaasi.
Sidoo kale warka ayaa lagu beeniyay in shirkadda maalin ku samaysay Dekedda berbera Heshiis lagula galay.
"Maanta oo ay Taariikhdu tahay December 22, 2013 waxaan beeninayaa war been abuur ah oo shalay ka soo baxay Jaraa’idada iyo website-yada qaar.
Ma jiro khilaaf na dhex maray Wasiir ku-xigeenka Aminga iyo heshiis dhexgal ah oo madatooyadda lagu qabtay iyo wax caqabad ah oo igaga yimi gelitaanka madaxtooyadda, waanaan ka shaqeeya wasaarad ahaan madaxtooyadda. Arrinta kale ee ku saabsan Shirkaddaha Ajaanibka ah ee doonaya heshiis maalgelineed oo dekedda ah,waxay xukuummadda Somaliland doonaysaa horumarin iyo ballaadhin dhakhso ah oo loo helo maalgelinta dekedda.
Marka la helo cid buuxisa horumarka aynu rabno xukuummad ahaan ayuun baa la gelayaa heshiis, anna xukuummadda Ayaan ka mid ahay, waxaannaan ku shaqeeyaa tallada xukuumadda.”ayaa lagu yidhi qoraalka uu soo saaray Cali Xoor-xoor.
Gobanimonews
Berbera Office
Email: editor@gobanimonews.com