Thursday, December 5, 2013

Somaliland: Goboladda Bariga iyo Galbeedka oo kala Jiidanaya marti gelinta Shirka Dood qaran


Isku dayga Xukuumadda, dareemada ka soo baxaya Beesha caalamka iyo Dhaqdhaqaaqyada socda oo kala fog”Warbixin




 







Boorama(GNA)-Kulan balaadhan oo ay isku yimaadeen labada xisbi mucaaradka ee Ucid Iyo WADDANI ayaa maanta ka dhacay Hotel Haldoor ee Magaalada Boorama.




 Kulan ayaa xanbaarsanaa laba ujeedo oo kala ahaa canbaarayn loo soo jeediyay xukuumada Axmed Siilaanyo go’aankii ay shalay isku hortaagtay weftiga xisbiga UCID ee booqashada ku iman lahaa magaalada Gabiley iyo taageerida dooda qaran ee ay xisbiyada Mucaaradka ahi horey ugu baaqeen. 




Shirkaasi waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiinta heer Gobol, heer degmo iyo taageerayaasha labadan xisbi, waxaana halkaasi hadalo dhaadheer ka soo jeediyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Abdikariim Muuse Maal ,Sahra Aw Cilmi Mahamuud ,Xildhibaan mahamed mumin adan Kacab oo ka tirsanaa dhinaca Xisbiga WADDANI Iyo Omar Dahir CilmiNaasir cabdoo cumar ,sheekh daahir barkhad oo iyagna ahaa mas’uuliyiin ka socotay xisbiga kale ee mucaaradka UCID




Mas’uuliyiintan ayaa si wayn ugu dhaliilay cago juglaynta iyo cabudhinta ay xukuumadanin Axmed Siilaanyo ay ku sheegeen in ay dhabadii kalitalisnimada saartay ayna taagan tahay halkii uu ku jabay xukuumadii Siyaad barre ee kaligii taliska ahaa, waxa kale oo ay ugu baaqeen Xukkuumada Axmed Siilaanyo in ay hoos u eegto shuruucda u yaala xisbiyada qaranka taas oo ay sheegeen in ay la mid yihiin xisbiga hada talada haya uuna dastuurku wax badan siiyay.




Dhanka kale mas’uuliyiintan ayaa shirkooda jaraa’id si wayn ugu taageeray dooda qaran ee ay xisbiyada mucaaradka ahi dhawaan ku dhawaaqeen laguna rajowaynyahay in uu dhawaan qabsoomo.




Waxa ay sheegeen inay ka gobol ahaan ay u gogol xaadhayaan sidii shirkaas loogu qaban lahaa magaalada Boorama oo ah xaruntii ama hooyadii Somaliland.




Dhaqdhaqaaqyada Mucaaridka ee la xidhiidha arrimaha shirka doodda qaran, ayaa marba marka ka sii dambeysa sii kordhaya.




Hase ahaatee xukuumadda ayaa isku dayaysa inay samayso talaabo kasta oo ay ku hor-istaagi karto.




Magaalada Burco ayaa si weyn looga soo dhaweeyay Shirkaasi, waxaana maalmihii ugu dambeeyay ka soo yeedhayay dhawaaqyo lagu dalbanayo in Burco shirkaasi lagu qabto.




Maamulka Gobolka ayaa sheegay inaan shir waxyeelo ku ah amaanka dalka iyo ka gobolka toona lagu qaban Karin ama aanay marti gelin Karin xukuumaddu, balse xubno ka mid ah Madaxdhaqameedka Gobolka ayaa warbaahinta ka sheegay inay gogosha shirkaasi dhigayaan.




Guddoomiyaha Guddida qaban qaabada shirka ayaa todobaadkii hore warbaahinta u sheegay inay meel wanaagsan u marayso hawshu.




Laba Xisbi Mucaarid ee shirka qabanaya ayaa sheegay in lagaga hadli doono afar qodob oo ay ka mid yihiin doorashada madaxtooyada iyo Baarlamaanka ee sannadka dambe qorshaysan, golaha guurtida oo aan marna wax doorasho ahi ka dhicin iyo laba qodob oo kale. Laakiin waxa ay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo si adag uga hortimid shirkaas oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.




Sida uu daabacay Maanta oo Khamiis ah  Geeska Afrika ee ka soo baxa Magaalada , laba qodob oo ka mid ah ajandayaash shirkaas ee khuseeya doorashooyinka oo ah doorashada Baarlamaanka iyo madaxtooyada iyo sida laga yeelayo guurtida, ayaa soo jiitay indhaha beesha caalamka, gaar ahaan deeq bixiyayaasha taageera hanaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, waxaanay xidhiidho dhawr ah la soo sameeyeen xukuumadda iyadoo qaar ka mid ah oo Hargeysa safari ku yimidna ay Madaxweynaha kala hadleen mawduucyadan.




Qaar ka mid ah wadamada Beesha caalamka la sheegay inay xukuumadda soo weydiiyeen su’aalo salka ku haya sababaha loogu diidayo labada xisbi mucaarad inay qabtaan dood qaran oo salka ku haysa dimuqraadiyadda Somaliland. Sida ay ilahaasi tibaaxeen waxa kale oo ay xubnahani la soo xidhiidheen labada xisbi mucaarad oo ay iyagana dhinacooda ka dhagaysteen warbixino ah sababaha keenay inay shirkaas doodda qaran qabtaan iyo qodobo kale.




Beesha caalamka ayaa la sheegay inay ka warwarsanyihiin talaabada ka dhalan karta ismariwaaga xukuumadda iyo mucaaradka oo ah mindi mindi ku taag, waxaanay xidhiidho joogto ah la leeyihiin mucaaradka iyo xukuumadda.




Shirkan doodda qaran ayaa waxa hore sannadkii 2006 u qabtay UCID iyo KULMIYE, iyadoo uu halkaas khudbad ka jeediyay Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa guddoomiyihii xisbiga KULMIYE oo wakhtigaas mucaarad ahaa.




Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo ka Arrimaha Gudaha ayaa safar ugu maqan dalka Ingiriiska oo ka mid ah dalalka ay somaliland Taageerada dhaqaale ee dhanka siyaasadda ka hesho.




Inkasta oo la sheegay in wasiir waran-cadde oo diidmada shirku toos u khusaysaa inuu addis-ababa ku sugan yahay wali, hadana ilo-wareedyo Gobanimonews heshay iyo saansaan kale ayaa tibaaxaya in wax laga waydiin doono shirkan doodda ah ee muranka abuuray.




Ingiriiska ayaa walaac ka qaba in isku dhac ka yimaado diidmada shirkaasi ee xukuumadda, waxaana todobaadkii hore dib u cusboonaysiiyeen digniin ay xiligii doorashooyinka deegaanada Mawaadiniintooda ku siiyeen inaanay u safrin somaliland.




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa wali ka jawaabi la’ dacwado labada Xisbi qaran uga gudbiyeen wasiirkiisa arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, taasoo ay kaga cabanayaan eedeymo qaran dumisnimo ah oo uu u soo jeediyay bishii la soo dhaafay horaanteedii.




Jawaab la’aanta madaxweynaha ayaa xujjo ku ah aqalka Madaxtooyada, balse waxa iska cad inaan Madaxweynuhu ogolayn dhaqdhaqaaqyada labada xisbi Mucaarid ku foogan yihiin ee arrimaha shirka.




Warar kale oo aan la hubin ayaa iyaguna tibaaxaya in Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleban Maxamuud Aadan maalmahan dambe ku hawlanyahay qorshe uu dhigiisa wakiillada kaga baajinayo awoodda uu saarayo qabsoomida shirkaasi.




Isku dayada Xukuumadda iyo Taageerayaasheedu waddaan iyo mawqifyada ka madaxbanaan ee arrimahan kullaaya ayaa ah kuwo kaaf iyo kala dheeri muujinaya.




Gobanimonews




Boorama Office




Email: editor@gobanimonews.com