Anchora(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayib Ardugaan ayaa dhanbaal hanbalyo ah u soo diray dhiggiisa dalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Shiikh Axmed, oo dhowaan loo magcaabay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Dhanbaalkan hanbalyada ah ee uu Ra’iisul Wasaaraha Turkigu u soo diray dhiggiisa Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda Turkigu ay rajaynayso in labada qaran ay sii xoojiyaan xiriirka walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan ee labada ummadood.
Mudane Ardugaan ayaa sidoo kale dhanbaalkiisa hanblayada ah ku sheegay in uu filayo in xukuumadda uu hoggaamin doono mudane Cabdiweli Shiikh Axmed ay noqon doonto mid ku guuleysata hawlaha qaran ee loo igmaday iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, iyo weliba in ay noqoto mid beesha caalamka kala shaqaysa sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabbaali lahaa dalka Soomalaiya
Ugu damayntii waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Turkiga mudane Rajab Dayib Ardugaan xaqiijiyey in dowladdiisu ay sii wadayso dadaalada dib loogu dhisayo Soomaaliya, isagoo caddeeyey in ay ka go’an tahay in xilliyada soo socda ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.
Xidhiidhka Dawladdaha Turkiga iyo Somalia ayaa sanadihii ugu dambeeyay sii wanaagsanaayay.
Turkiga ayaa gacan weyn ka geystay dib u dhiska Siyaasaddeed, bulsho iyo nololeed ee dalka Somalia.
Hay’addo Turkisha ah ayaa Magaalada Muqdisho ka wada mashaariic balaadhan oo lagu horumarinayo adeegyada Bulshada.
Labadii sanadood ee ugu dambeeyay ayaa xukuumadda rejab dayyib urgdugan qayb ka ahayd dedaaladii lagu yagleelay nidaamka hada ka jira dalka Somalia.
Shirar kala duwan oo dib u heshiisiin, wacyi gelin iyo siyaasadeedba isugu jiray ayaa somalida loogu sameeyay dalkaasi.
Turkiga ayaa markii ugu dambeeyay marti geliyay shirkii wada hadalada somaliland iyo Somaliya, kaasoo aanay wali labada dhinac si muuqata u dhaqan gelin qodobadii lagu heshiiyay.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com