Friday, December 20, 2013

Hargeysa: Biriij muhiimad weyn u leh Suuqa Waaheen oo la dhagax dhigay


Hargeysa(GNA)- Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa maanta dhagax dhigay Biriij  sedexaad oo ay yeelan doonto caasimada dalka ee Hargaysa.




BiriiJkan oo lag hirgalin doono meel aad ugu muhiim ah isu socodka Caasimada Hargysa oo ku beegan dhismahii fooqii jajabka Hargaysa kaas oo isku xidhi doona degmooyinka gacan-libaax iyo Maxamuud Haybe isla markaana ay hirgalintiisa iska kaashanayaan Hay’ada samofalka khayriga ah ee RAAF , Wakaalada horumarinta wadooyinka Somaliland iyo dawlada hoose ee caasimada Hargaysa, ayaa Muhiimad weyn u leh isu socodka Magaalada qaybaheeda kala duwan,gaar ahaan Sayladda Xoolaha iyo Suuqa Ganacsiga ee ugu weyn Magaalada ee Waaheen.




Injineerka dawlada Hoose Eng Axmed Aaden oo sheegay in dhismaha biriijka in ay ku bixi doonto lacag dhan 500, 000 oo dolar kaas oo afar boqol oo kun oo dolar oo ka mid ah ay ku deeqday Hay’adda samo falka khayriga ah ee RAAF oo soo wakiilatay Hay’ada samofalka ee MANHAL , halka 50. 000 kun oo ka mida ay bixin doonto wakaalada horumarinta wadooyinka inta soo hadhayna ay bixin doonaan dawlada hoose.




Gudoomiyaha Hay’ada Samofalka khayriga ah ee Manhal Jaamac Faarax Cabdilaahi oo halkaasi isna ka hadlay ayaa sheegay in hay’ada RAAF ay mashaariic badan oo horumarineed in ay ka fulisay dalka kana uu daba socdo mashaariicdaasi hore.




Maayarka caasimada Hargaysa Cabdiraxmaa Maxamuud Caydiid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu si weyn u soo dhawaynayo hir-gelinta Mashruucan  oo sida uu sheegay wax weyn ka tari doona isu socodka caasimada.




Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa u mahad celinayo Hay’ada RAAF iyo wakaalada horumarinta wadooyinka oo dedaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa guud ahaan wadooyinka dalka.




Biriijkan ayaa hadii uu hir-gelo waxa uu ka baxayaa afaafka hore ee Sariibadda Suuqa Waaheen, waxaanu ku dhacayaa wadda marta Dugsiga guryo Samo ee Xaafadda Xidigta.




Waxa uu dhawr Hal KM u jiraa Biriijka koowaad ee Caasimadda oo hada muddo dheer dhisnaa, waxaanu biriijkani muhiim u yahay Socdaalka dadka isaga goosha Sayladda iyo Sariibadda ilaa Suuqa waaheen oo qaybo badan ka kooban.




Gobanimonews




Hargeysa Office