Saturday, December 21, 2013

Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga UCID ee Gob. Awdal Oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Laga Gaadhay Shirkii Dooda Qaran


Borama(GNA) Siyaasi Cumar Daahir Cilmi ooo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga UCID  ee Gobolka Awdal  ayaa soo dhaweeyay go’aanka sadaxda xisbi qaran ay ku heshiiyeen in la iskugu yimaado shirka dood qaran iyo wada tashiga lagu toosinayo qaranimada Somaliland.




Siyaasi Cumar oo arintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “aniga oo ku hadlaaya afka xisbiga UCID ee Gobolka Awdal waxaan soo dhawaynayaa go’aanka ay isla qaateen 3da xisbi qaran,eek u aadan qabashada shirka dooda qaran, waa talaabo muhiim u ah umada reer Somalilad waa go’aan aan siwayn usoo dhawaynayno waana mida kaliya ee lagu gaadhi karo, midnimo, cadaalad, horumar, iyo midaynta bulshda.




Siyaasi Cumar Daahir Cilmi oo hadalka sii wata ayaa yidhi “arintani waxay ka midha dhalin kartaa qabsoomida doorashooyin xor iyo xalaal ah iyo maamul wadaag dowladnimo oo loo siman yahayoo dalka ka hirgala, waana mida kaliya ee lagu gaadhi karo aqoonsiga, waxa kale uu intaasi ku daray  “arinta dooda wada tashiga iyo toosinta qaranku  sahal inayna ku iman waa mid loo soo maray dadaaal badan”




Md. Cumar waxa uu xukuumada iyo 3da xisbi qaran usoo jeediyay talooyin waxana uu ydhi “waxaan kula talinayaa shirka dooda qaran in laga wada qayb qaato si uu u noqdo mid hufan oo ay ka wda muuqdaan  qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland iyada oo ahmiyada la siinaayo Gobolada haday tahay qabanqaabada iyo qabsoomida shirka iyo ajandayaashiisaba waxaanan uu shirkaasi uu noqon doonaa mid uu ka soo baxo go,aamo dhaxal gal ah”




Siyaasi Cumar Daahir Cilmi ayaa ugu danbayntii u mahad celiyay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo uu ku tilmaamay (MARTIN L. KING) sheegayna inuu juhdi badan galiyay fikirkii aasaasiga ahaa eeshirka dood qaran, iyo sidii loo heli lahaa kulan wadatashi oo lagu gaadho qaranimo toosan oo aanu hawaysan Karin cadawga , waxa kale oo aan umahad balaadhan u celinayaa madasha wadatashiga ayuu ydhi”




Sikastaba ha ahaaatee Sarkaalkan  ku hadlayay afka xisbiga UCID ee Gobolaka Awdal ayaa uga mahad noqay xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani sida ay uga qayb qaateen jaangoynta dooda qaran iyo ka fikirka badbaadada umada




Gobanimo news.com




Borama office